Ilo wareedyo: Dowlada Norway oo dad soomaali ah Soomaaliya u tarxiishay

0
227

Sida ay NorSom News kasoo xiganeyso dhowr ila wareed oo kala duwan, waxaa maalmihii ugu danbeeyay dalkan Norway laga tarxiilay tiro dad soomaali ah, kuwaas oo ku jiray xero-xabsiyeedka qoxootiga ee Trandum.

Dadkan oo isugu jiro rag iyo dumar ayaa naloo sheegay in tiradoodu ay gaareyso ilaa 10 qof. Waxaana naloo sheegay in si toos ah looga dajiyay garoonka diyaarahada magaalada Muqdisho ee Aden Cadde. Mana cada in si wadar ah loo celiyay, iyo in si kali-kali ah loo tarxiilay.

Mid kamid ah qaraabada qof soomaaliya loo celiyay, ayaa NorSom News u sheegay inay jiraan dad kale oo soomaali ah oo lala celiyay. Tiradooduna ay 10 kor u dhaafeyso.

Waxaan sidoo kale xiriir la sameynay maamulka hey´ada socdaalka ee dowlada Soomaaliya, nooma aysan suurtogalin inaan helno xiriirkooda.

Mid kamid ah shaqaalaha hey´ada laanta socdaalka oo arintaas wax ka weydiinay ayaa isaga ka gaabsaday inuu wax jawaab ah ka bixiyo.

Xero-xabsiyeedka Trandum oo kutaalo agagaarka garoonka diyaaraha ee Oslo, ayaa ah mid lagu xareeyo dadka diidmada ka helay codsiga magangalyada, isla markaana ay Norway rabto inay dalkoodii ku celiso.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments