EU: Midowga Yurub oo soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Somaliland.

0
261

Waxaa maanta galinkii hore lagu dhawaaqay natiijada codbixinta doorashada madaxweynenimo ee Somaliland, taas oo dhacday isbuucii hore. Waxaana ku guuleysatay xisbiga hada talada haya ee Kulmiye, iyo musharaxiisa madaxweyne, Muuse Biixi Cabdi.

Sida lagu sheegay war qoraal rasmi ah oo kasoo baxay boga midowga Yurub ee EU-da, midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay qaabka nabadgalyada ah oo ay kusoo dhamaatay doorashada Somaliland, waxeyna hambalyo u direen madaxweynaha cusub ee la doortay.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay inay kormeerayaal u direen Somaliland, intii ay socotay howsha doorashada, iyaga oo sheegay iney ku qanceen inta badan waxyaabaha ay soo arkeen.

Xigasho/kilde: Europa.EU

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments