Dalkaaga marka uu bur-buro waxaad dhex istaagaysaa darxumo iyo daryeel la’aan. Waxaa intaas kuu sii dheer duurjoog iyo dulinimo aanan dhammaad lahayn. Ma jiro shaqsi jecel innuu ku noolaado darxumo iyo daryeel la’aan. Cidwalbo waxay iska jeceshahay inay hesho daryeel wanaagsan.
Qofka bini’aadamka kama maarmo seddax shey oo kala ah, meel uu seexdo, wuxuu cuno, iyo wuxuu xerto. Waa seddaxda shey ee loo yaqaano (Three basic needs) oo aan marnaba laga maarmin. Hadaba maxaa keenna in lawaayo seddaxdaasi? Maqaalkaan marka aad dhammaysato waxaad oganaysaa waxa keena in la waayo seddaxdaasi.
Waxaa jira Soomaali badan oo usoo haajiray wadamada caalamka, waxaana loo haystay in lagu faa’idaayo haajiraada loo soo haajiray wadamada shisheeye balse waxaa laga dhexlay dhibaato middii ugu weyn. Waxyaabaha ugu badan ee laga dhexlay dulinimada taalo qurbaha waxaa kamid ah, dhaqan-xumo, diin-xumi, caasinimo, been, bidaar, ciro, karaahyo, iyo shan iyo toban jir oo booq ku furanyahay (Stress haayo).
Dowladnimada waa qaali, waxaana heli karo dadkii nasiib leh laakiin ku tala galay inay helaan dowlad wanaagsan. Soomaalida ma ahan dad u baahan in loo sharaxo dhibaatada ay leedahay dowlad la’aanta, maxaa yeelay dad badan ayaa og dhibaatada ay leedahay dowlad la’aanta. Iyadoo ay sidaasi tahay dadka qaar wali waxaad moodaa inaysan u bisleen inay helaan dowladnimo iyo qaran ay ku aftirsadaan. Cidwalbo ayaa u baahan dowlad wanaagsan. Dowladda wanaagsan waxaa laga dhexlaa in bulshada ay helaan waxyaabaha ay u baahanyihiin oo ay kamid yihiin daryeel caafimaad, cunto iyo waxbarasho. Xilligaan casriga ah haddii aad booqato goobaha wax lagu daraaseeyo, jaamacadaha iyo iskuullada waxaad arkeysaa in habka dowladda wanaagsan ay ka mid noqdeen waxyaaalaha loogu hadal heyn badan yahay, gaar ahaan marka laga hadlayo dhaqaalaha cilmiga ku dhisan iyo horumarka bulshooyinka. Daraasado badan kaddib waxaa la qeexay in ay dowlad-xumidu tahay asalka cudurrada bulshada iyo horumar la’aanta. Dowlad wanaag waxaa lagu qeexi karaa fir-fircoonaanta ay dowladi si habboon ugu maareyso siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka arrimaha dalka, halkaasoo ay dowladdu dhiirageliso isku-xirnaanta iyo is-dhexgalka bulshada, iyadoo xaqiijineysa daryeelka iyo barwaaqeynta dadkeeda. Marka la helo dowlad wanaagsan ayaa la heli karaa dhammaan baahida loo baahanyahay in laga baxo.
Waxaa jirta Soomaali badan oo ku dhibaataysan qurbaha, kuwaasoo marwalbo ku fakira halka ay gaysani lahayeen caruurtooda si ay ugu badbaadiyaan dhaqamada xun-xun iyo diin la’aanta. Waxaa kugu soo kordhaayo murug iyo fikir aan dhammaad lahayn marka aad aragto adigoo laguu handadaayo oo laguugu handadaayo in ilmaha lagaa qaadani doono haddii aad sidaan sameyso, wadankaaga oo qarax laga soo sheekaago, shaqo la’aan ay ku haysato, luuqada dalka aad ku nooshahayna ay kugu adagtahay, xittaa ay kugu adagtahay inaad fahanto waxyaabaha aad xaqa u leedahay, marwalbo waxaad u baahantahay turjubaan adigoo wadanka mudo joogay. Waa dhibaatooyin badan oo jira, kuna noqotay Soomaalida qurbaha kunool wax soo jireen ah.
Ogaaw adigaba daraad ayaad haysatay dowlad calan leh, maantana halka aad joogto dalxiis kuma keenin. Waxaana lagaaga baahanyahay inaad ka gudubto xaalad walbo oo aad wajahayso, loomana baahno inaad naftaada dib u dhigto. Waxwalbo wey kuu qoranyihiin, waxaadna ugu gudbi kartaa adkaysi iyo dadaal dheeri ah inaad la timaado. Illaahay s.w.c marwalbo wuxuu fiirinayaa iimaankeenna halka uu gaarsiisanyahay. Dunidda waa imtixaan waxaana loo baahanyahay xaalad walbo oo aad ku jirto inaad u dhabar adeegto.
Dhalinyarada, aqqoonyahaanada, iyo cidwalbo oo waxgarad ah waxaan inkula talin lahaa inaad noqotaan kuwa gacmaha isqabsada oo dantooda ka shaqeeya, hana isxasdina. Waa inaan ogaanaa inaan nahay dad isku dhiig, isku diin, isku dhaqan, isku luuqad. Waxwalbana waan qabsani karnaa haddii aan maanta u dhabar adeegno xaalad walbo oo haysato, laakiin dadaalka marwalbo waa waxyaabaha ay bulshada isku dhaafaan. Waxaana loo baahanyahay wax wada qabsi iyo ismaqal dhab ah.
W.Q: Abdijibaar Ahmed.