Sweden: Ardeyda soomaalida Gotoberg oo bilaabay inay lacag u uruurinayaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho.

0
165

Dhamaan soomaalida kunool caalamka, waxaa si aad ah u sameeyay musiibadii ka dhacday magaalada Muqdisho ee lagu xasuuqay boqolaal qof ee soomaalida ah. Waxaana isa soo taraya gurmadka ka imaanaya dadka soomaaliyeed ee gudaha Soomaaliya kunool ama wadamada dibada.

Dhalinyarada soomaaliyeed ee dugsiyada sare ka dhigata magaalada Göteborg ee dalka Sweden ayaa bilaabay inay gurmad lacag uruurin ah u sameeyaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxii isgoyska Zoobe. Waxeyna sheegeen inay murugada iyo tiiraanyada la qeybsan doonaan walaalihii ku waxyeeloobay qaraxaas. Ardeydan dhalinyarada u badan ayaa ah kuwo iskood isku abaabulay.

Cabdulahi Saciid oo dhigta mid ka mid ah dugsiyada sare ka dhigata Göteborg ayaa shabakada Somaliska u sheegay inay intii awoodooda ah ay lacago jeebkooda ka arruurin doonaan ardeyda kale ee saaxiibadood ah.

Dalkan Norway ayaa waxaa sidoo kale laga sameeyay gudi gurmad uruurin u sameeya dadkii ku halaagsamay musiibadaas.

Waxaa baraha bulshada ee caalamka oo idil, si aad ah looga hadalhayaa musiibadii lagu halaagay boqolaalka qof ee soomaalida ah, iyada oo dhaawacuna ay 500 kor u dhaafayaan.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments