Norway oo dhimeyso tirada qoxootiga ay dib u dajinta u sameyn jirtay.

0
133

Midowga Yurub iyo Hey´ada Qaramada midoobay u qaabilsan qoxootiga ayaa dhowr jeer dowlada Norway ka codsaday inay dib u dajin u sameeyaan qaar kamid ah qoxootiga kujiro xeryaha qoxootiga caalamka. Maadaama tirada qoxootiga Norway iska soo dhiibo ay si aad ah hoos ugu dhacday dhowrkii sano ee ugu danbeeyay.

Dowlada Norway, gaar ahaan wasiiradeeda soo galootiga ayaa mar walba diidi jirtay codsiga EU iyo U.N-ka, iyada oo markana ay dowlada Norway dooratay inay sii dhinto tirada qoxootigii ay sanad walba dib u dajinta u sameyn jirtay.

Miisaaniyada dowlada ee shaley lasoo bandhigay, waxaa lagu sheegay in Norway ay sanadka 2018-ka dib u dajinta u sameyn doonto 1120 qof oo qoxooti ah, halka sanadkan 2017-ka ay Norway soo qaadatay qoxooti dhan 3120.

Ururada u dooda xuquuqda qoxootiga ayaa canbaareyn u jeediyay go´aanka dowlada Norway ee dhimista tirada qoxootiga ay qaadan jirtay. Waxeyna sheegeen in wax laga xumaado ay tahay in Norway ay diido codsiga qaramada midoobay iyo midowga Yurub.

Wasiirada soo galootiga Norway ayaa sheegtay inay ku mashquuli doonin sidii qoxootiga wadanka joogo isdhexgal loogu sameyn lahaa, sidaas darteed aysan awoodi qaadashada qoxooti kale oo cusub.

Xisbiyada SV iyo Venstre ayaa sheegay inay dagaal u gali doonaan sidii ay Norway u qaadan laheyd qoxooti dheeri ah, halka KRF uusan wali go´aan ka gaarin arinta. Ap ayaa iyagana dhankooda ka aamusan go´aanka xukuumada Solberg.

Xigasho/kilde: NRK.NO, ABC-nyheter

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments