Hey´ada laanta socdaalka dalkan Norway ee UDI-da ayaa sheegtay inuu xiriir fiican kala dhaxeeyo hey´ada jinsiyadaha iyo socdaalka dowlada Soomaaliya, isla markaana ay gacan ka siiso howlaha dib u dhiska iyo nidaamka shaqo ee hey´adaas. Arintaasna ay qeyb ka tahay mucaawinada iyo taageerada guud oo ay dowlada Norway ku taageerto Soomaaliya.
Knut Holm oo katirsan UDI-da oo ka jawaabayay su´aal ay NorSom News ku weydiisay kulankii ay UDI-du la qaadatay soomaalida ayaa sheegay in Norway ay howlo kala duwan oo horumarin iyo taakuleyn ah ay ka wado Soomaaliya, uuna xiriir fiican kala dhaxeeyo dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo hey´adaheeda kala duwan. Isaga oo raaciyay inay sidoo kale howlaha socdaalka iyo jinsiyadaha ay ka caawiyaan qaar kamid ah maamulada ka dhisan Soomaaliya, sida Puntland iyo Somaliland.
Wuxuu raaciyay in shaqaalaha hey´adaha jinsiyadaha iyo socdaalka ee dowlada Federaalka iyo maamuladaas kor ku xusan ay siiyaan tababar iyo aqoon kororsi ku saabsan howlaha shaqo ee socdaalka iyo jinsiydaha.
Ma jiro wax heshiis dib u celin ah:
Knut ayaa sidoo kale NorSom u sheegay inuusan jirin wax heshiis dib u celin ah oo dhexmaray ama ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Norway, balse ay Norway dad si qasab ah ugu celiso Soomaaliya. Sanadkan 2017 ayuu sheegay inay Soomaaliya ku celiyeen 7 qof. Arintaasna ay tahay shaqada laanta booliska ee PU-da, UDI-duna aysan si toos ah arintaas uga shaqeynin.
Dhanka kale wuxuu sheegay inuu jiro barnaamij dib u celin ah oo qofkii rabo dib loogu celiyo Soomaaliya, arintaas ay Norway la kaashato hey´ada Danish Refugee Council. Isla markaana qofk lagu caawiyo dhaqaale uu nolol cusub ku sameysto ama la baro farsamo uu ku shaqeynsan karo.
Wafdi ka socdo hey´ada socdaalka, uuna hogaaminayo madaxa laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Maxamed Aden Koofil ayaa xagaagan booqasho ku yimid Norway. Waxeyna kulamo la qaateen shaqaalaha hey´ada UDI-da.
We use cookies on our website to give you the most relevant experience by remembering your preferences. By clicking “Accept”, you consent to the use of the cookies.
This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
Any cookies that may not be particularly necessary for the website to function and is used specifically to collect user personal data via analytics, ads, other embedded contents are termed as non-necessary cookies. It is mandatory to procure user consent prior to running these cookies on your website.
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.