Shantan xildhibaan oo ajnabiga ah oo kamid noqday baarlamaanka Norway

0
152

Shan qof oo asalkoodu uu soo galooti yahay ayaa sanadkan kamid noqday baarlamaanka Norway, waana tiradee ugu badneyd abid ee xildhibaano asalkoodu uu soo galooti yahay uu baarlamaanka Norway soo galo.

Sadex kamid ah xildhibaanadan waxey kasoo jeedaan dalka Pakistan, mid kamid ah wuxuu kasoo jeedaa Iiraan, halka kan shanaadna uu Hindiya asal ahaan kasoo jeedo.

Magacyada, xisbiyada iyo dalalka ay siyaasiyiintan kasoo jeedaan:

Hadia Tajik: Ap, Pakistan. Abid Raja: Venstre, Pakistan. Mudassar Hussain Kapur: Høyre, Pakistan.

Masud Gharahkhani: Ap, Iran.

Himanshu Gulati: Frp, India.

Waxaa markii ugu horeysay sanadkan musharaxiinta baarlamaanka Norway kasoo mid noqday ilaa 5 qof oo soomaali ah oo xisbiyada Ap iyo SV katirsanaa, laakiin midkoodna ma uusan soo galin ama xitaa uma soo dhawaan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments