Poland: Haweeney norwiiji ah oo ka carartay barnevern-ka oo magangalyo weydiisatay dalka Poland

0
195

Sida ay qorayaan warbaahinta dalka Poland, haweeney norwiiji ah ayaa dowlada dalkaas weydiisatay magangalyo, iyada oo sheegtay inay ka cabsi qabto in hey´ada xanaanada caruurta Norway ee barnevern-ka ay kala wareegto gabadh ay dhashay.

Sida ay sheegeyso wakaalada wararka dalkan Norway ee NTB, barnevernka ayaa horey haweeneydan ugala wareegay gabadh ay dhashay. Xeerka Schengenka ayaa haweeneydaas u ogolaanayo inay dalka Poland ku noolaato, laakiin waxey codsatay magangalyo, iyada oo ka cabsi qabto in barnevernka Norway ay codsadaan in gabadha lagu soo celiyo Norway. Sidaas darteed ayay sheegtay inay magangalyo u codsaneyso nafteeda iyo gabadha yar.

Dad gaarayo 10 qof oo haweeneydan ay ka tirsantahay ayaa ilaa hada sanadkan dalka Poland weydiistay magangalyo, ilaa hadana qofna jawaab kama helin codsiga magangalyada.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments