Örebro: Mid kamid ah Masaajidada ugu weyn Sweden oo xalay uu dab xoogan ka kacay

0
169

Waxaa xalay uu dab weyn qabsaday masaajidka muslimiinta ee magaalada Örebro, oo ah mid kamid masaajidada ugu waaweyn dalka Sweden iyo guud ahaan wadamada Scandanevianka. Waxaana loo badaniyaa in dabkaas uu ahaa mid si ula kac masaajidka loo qabadsiiyay.

Booliska iyo laamaha dab damiska ee magaalada Örebro ayaa ilaa saaka la xarbinayay daminta dabka, iyada oo saaka aroortii hore aan wali lagu guuleysan soo afjarista daminta dabka.  Qeyb kamid ah dhismaha masjidka ayaa gabi ahaanba gubatay, iyada oo qeybo kale oo masjidka ahna uu soo gaareen dhaawacyo aad u waaweyn.

Booliska iyo laamaha amaanka dalkaas ayaa sheegay inay dabkan u baari doonaan, qaab dab si ula kac ah loo daaray, si wax loogu dilo. Waxaana la sugayaa shir jaraa´id oo ay maanta qaban doonaan, kaas oo ay warbixin dheeri ah kaga bixin doonaan arintan.

Xigasho/kilde: TV2.NO, Expressen.se

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments