Venstre: Waxaan u furanahay inaan wadahadalka sii wadno, hadii ay KRF wadahadalka ka baxaan.

0
140
Trine Skei Grande= Gudoomiyaha Venstre

Waxaa maalinta beri ah dhici doono kulan aad loo wada sugayo, kaas oo dhexmari doonto xisbiyada afarta ah ee midigta, waxeyna kaga wada xaajoon doonaan qaabkii ay afar sano oo cusub dalka usii wada maamuli lahaayeen.

Hadalo soo baxayay maalmihii ugu danbeeyay ayaa iftiiminayo in KRF ay ka bixi doonaan wadahalada, hadii ay Erna doorato inay FRP xukuumad la dhisato. Gudoomiyaha xisbiga KRF ayaa maalmihii ugu danbeeyay saxaafada ka sheegayay in kulankaas uu noqon karo, kii ugu danbeeyay ee wadahadal ah oo ay kala qeybgalaan Erna Solberg.

Venstre: Waxaan u furanahay inaan wadahadalka sii wadno

Gudoomiyaha xisbiga Venstre, Trine Skei Grande ayaa warbaahinta u sheegtay in xisbigeeda uu u furanyahay inuu wadahadalka lasii wado Høyre iyo Frp, hadii ay KRF ka baxaan wahadalka xisbiyada.

Erna Solberg ayaa isku dayeyso inay isku celiso xisbiyada afarta ah, iyada oo og in hadii KRF ay ka baxaan wadahadalka ay aad u yaraaneyso jaaniskeeda inay dhameysato afar sano oo labo isbuuc kahor u dabaaldageyso.

Imtixaanka ugu horeeyo ee Erna Solberg ayaa noqon doono inay meelmarin u hesho miisaaniyada sanadka 2018 oo isbuucyo kadib lasoo bandhigi doono. Si ay Erna u hesho miisaaniyada ay wadanka ku maamusho sanadka soo socdo, waa inay taageero ka heshaa xisbiga KRF ama xisbiyada kale ee mucaaradka(ma ahan wax waaqici ah). Hadii la isku raaci waayo miisaaniyada 2018, waxey u badantahay in xukuumada Solberg aysan dhameysan sanadka 2017.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments