Golaha dhexe ee KRF oo gudoomiyaha ugu baaqay inay mucaarad noqdaan.

0
154
Gudoomiyaha KRF:Knut Arild Hareide

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay socday shirar goos goos ah kuwaas oo ay lahaayeen madaxda xisbiyada afarta ah ee sida wadajirka ah ugu guuleystay doorashada baarlamaanka. Waxeyna ka wada hadlayeen qaabka ay wax u qeybsan lahaayeen, iyada oo ay muuqato iney wali jirto farqi balaaran uu xisbiyada dhexdooda u dhaxeeyo.

Golaha dhexe ee xisbiga dhanka diinta u janjeero ee KRF ayaa gudoomiyaha xisbiga gaarsiiyay fariin cad oo ah inay rabaan in xisbigu uu noqdo mucaarad, maadaama Høyre uu doortay inuu dowlad la dhisto Frp.

Krf ayaa doorashadii kahor iyo kadiba mar walba ku cel-celinayay inaysan xukuumad la dhisan doonin Frp, inkasta oo Erna Solberg ay isku dayeyso inay meelo badan kasoo gasho KRF, si ay uga qanciso la shaqeyntooda. KRF ayaa ku taagan iney rabaan dowlad ka kooban Venstre iyo Høyre kali, inkasta oo taasan aysan u muujin mid waaqici ah. Hadii ay taas dhici weydana, waxey ilaa hada sheegayaan inay mucaarad noqon doonaan, inkasta oo aan la ogeyn waxa kasoo bixi doono wadahadalkooda ay xisbiyada kale la leeyihiin.

Arbacada soo socoto waxaa dhici doono kulanka ugu danbeeyo ee xisbiyada, waxaana la rajeynayaa in kulankaas kadib ay soo bixi doonto jawaabta saxda ee xisbiga KRF.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments