BT: Codadka magaalada Bergen wali lama soo gudbin.

0
136

Sida uu qorayo wargeyska kasoo baxa magaalada Bergen, waxaan ilaa hada la tirin, lana soo gudbin codadka magaalada Bergen oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalkan Norway, codadka ugu badana laga dhiibtay.

Koobka aduunka baaskiilada ayaa la sheegay inuu xanibay tirinta codadka doorashada.

Codadka Bergen, waxey isbadal weyn ku sameyn karaan natiijada doorashada, ama waxey dhinac u ridi karaan labada xisbi ee dul-haabaya 4%, waa KRF iyo Venstre.

Hadii labadaas midkood uu keeno wax ka yar 4% codadka doorashada, waxey Erna Solberg lumineysaa hogaanka natiijada doorashada.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments