Waxaa maalmahan oo dhanba socotay hadalheynta arin dhawaan soo shaac baxday, taas oo ku saabsan in wasaarada cadaalada dalkan Norway ay lacag 4 milyan NOK ah ku bixisay qorshe soomaalida lagu cabsigalinayo, si aysan Norway magangalyo usoo weydiisan.
Ujeedka qorshahaas ayaa ahaa in Norway loo ekeysiiyo meel ay kajirto cunsuriyad iyo qabow daran, isla markaana qofku uusan ka heli doonin nolosha uu ku haminayo. Waxaana la diyaariyay sheekada nin Hassan loogu magacdaray, kaas oo rafaad iyo dhib badan kala kulmay Norway, kadibna go´aansaday inuu dib ugu noqdo Soomaaliya.
Yaa ku lug lahaa: WCN IYO IOM
Howshaas ayaa bilaabatay dhamaadkii sanadkii 2013-ka, waxaana iska kaashanayay wasaarada cadaalada Norway iyo hey´ada IOM, xafiiskeeda magaalada Nairobi. Wasaarada cadaalada Norway ayaa sheegtay in abaabulka, diyaarinta, dajinta iyo fulinta howshaas ay lahaayeen shaqaale soomaali ah oo katirsan xafiiska IOM ee magaalada Nairobi. Wasaaraduna ay bixisay lacagta ku baxday oo dhan 4 milyan NOK !!(qiyaastii 500 000 $ sarifka xiligaas).
Abdirahman Ahmed: Qofka isku xirayay howsha
Baaritaan dheer oo ay NorSom sameysay kadib, ayaan ku xaqiijin karnaa in Abdirahmaan Ahmed Muhamed ayaa ahaa shaqsiga soomaaliga ah ee saameynta ugu badan ku leh arintan dhawaan soo baxday. Abdirahmaan oo 47 sano jir ah ayaa shahaadada masterka ka qaatay cilmiga dhaqaalaha ee jaamacada Oslo, waxaana uu xiligaas katirsanaa shaqaalaha IOM, xafiiskeeda Nairobi. Horey waxa uu u degenaan jiray magaalada Hamar, markii danbe waxa uu kamid ahaa ganacsatada soomaalida ah ee magaalada Oslo.
