Baaritaan: Baraha bulshada, gaar haan Facebook ayaa Frp u sahlay inay ku guuleystaan doorashadan

0
145

Sida lagu ogaaday baaritaan cusub, xisbiga xagjirka dhanka midig ee FRP oo kamid ahaa xisbiyadii habeen hore ku guuleystay doorashada baarlamaanka dalkan Norway ayaa si agaasiman oo xirfad ay ku dheehantahay u isticmaalayay baraha bulshada, gaar haan Facebooga, si ay dadka uga kasbadaan codadka.

Liiska qodobada ay dadku aadka ugu mashquulsanaayeen doorashada, isla markaana ay dadka codadka kaga raadsanayeen ayaa waxaa kamid ahaa soo galootiga iyo danbiyada ay galaan. Waxaana la ogaaday in FRP ay labadaas qodob si aad ah ay isugu dayayeen inay dadka ka dhaadhiciyaan inay iyagu yihiin xisbiga kali ah ee wax ka qaban kara.

Wasiirada soo galootiga Sylvi Listhaug ayaa aheyd siyaasiga loogu hadalka badnaa baraha bulshada ololihii doorashada. Listhaug ayaa aheyd siyaasiga ay dadka ugu badan Like(ka helid) iyo share(qeybis) gareeyeen waxyaalaha ay Facebooga soo dhigto. 5 kamid ah 10 kiis ee  loogu qeybis badnaa linkigooda, waxey ka hadlayeen Listhaug.

 

Xigasho/kilde: p4.no, Aftenbladet.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments