Sweden: Hadii aad qaadato dhalashada Sweden, qoyskaada laguuma keenayo

0
197

Dhalinyarada dalka Sweden ku taga kali-socodka, kuwaas oo markii ay dalkaas magangalyo weydiisteen ka dib, hela  dhalashada Sweden ayaa la sheegay ineysan xaq u laheyn inay u dacwoodaan qoysaskooda ka maqan.

Sharciga Sweden u dagsan ayaa dhigaya in dadka eheladooda loo keeni karo ay yihiin oo kaliya kuwa dhalashadoodu ajnabiga tahay, balse leh ama heysta sharciga daganaashaha dalkan. Taas oo macneheedu yahay in haddii dhalinyarada kali socodka ahi ay qaataan dhalashada  Sweden , aysan xaq u laheyn in Sweden loo keeno eheladooda kunool dalka dibadiisa

[adsenseyu1]Maxkamadda arrimaha socdaalka u qaabilsan dalka Sweden ayaa dhawaan ridey go’aan maxkamadeed oo arrinkaan la xiriira, waxeyna go’aamisey in haddii dhalinyarada kali socodka ah ay qaataan sharciga dhalashada aysan xaq u yeelin karin inay u dacwoodaan qoysaskooda.

Hey’adda socdaalka ayaa go’aankaan markii ay gaareysey waxay u cuskatey sharci ajaanibka Swedensoo gala ku saabsan, kaas oo soo baxay sanadkii 1997-dii , wuxuuna dhigayaa in dhalinyarada waalidkood loo keenayo ay ahaadaan kuwo ajaaniib ah oo aan xaas aheyn ama aan haween meher ugu xirneyn. Sidaas daraadeed ayeysan dhallaanka dhalashada Sweden qaatey aysan xaq u laheyn in eheladooda dalka dibaddiisa uga maqan loo keeno.

Sweden waxaa kunool kumanaan dhalinyaro ah oo dalkaas kusoo galay qaab kalinimo ah, waxeyna qaar badan oo kamid ah u dacwoodaan qoysaskooda, kadib marka ay dalkaas magangalyo ka helaan. Qaar kamid ah dhalinyarada uu xeerkan qabtay ayaa sheegay in hadii ay ogaan lahaayeen, aysan markii horeba codsadeen dhalashada Sweden.

Xigasho/kilde: RadioSverige-Soomaali

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments