torsdag, mars 28, 2024

Maxaa waalidiinta looga baahanyahay, marka ay iskuuladu furmayaan?

Bismillaahi raxmaani raxiim ilaah ayaa mahad leh,naxariis iyo nabad gelyona nebigeennii suubanaa ayey u sugnaadeen. Waxaa dhawaan furmi doono sanad dugsiyeedka cusub ee iskuulada 2017/2018. Haddaba si loogu diyaar garoobo sannadkaas cusub , waxaan aniga oo khibaraddayda kaashanaya, maadaama aan ilaa 2004 caruur iskool ii dhiganaayeen welina ay ii sii dhiganayaan jeclaystay inaan soo gudbiyo talooyin iyo warbixin kooban oo muhiiim ah oo ku habboon waalidiinta ku cusub waddanka, iyo kuwa horay u joogay balse aan haysan warbixin ku filan.

Furitaanka iyo maalinta koowaad waxaa wanaagsan in waalidiintu la socdaan carruurtooda ,gaar ahaan kuwa yaryar , iyo kuwa bilaabaaya oo aanba dhihi karo waa qasab in la raaco. Raacitaanka caruurta loo raacayo maalinta koowaad waxay u tahay garab joog taageero, hiil ah oo hoo ka weyn waxaana ilmuhu dareemayaa kalsooni iyo inuu ka mid yahay qoys jecel.
Waxayaalaha loo baahanyahay in ilmaha uu wato iskoolkana la tago waxaa ka mid ah:
Boorso uu buugaagta ku gurto oo cuusb hadduu bilow yahay , boorsadaas oo ilaa safka 3 aad la isticmaali karo.
• Qalimaan wax lagu qoro, kuwo midabyo ah oo sawirada lagu xardho,masaxaad,iyo qalin qor.
• Buugta la soo siiyo waa in loogu diyaariyo galka buugta lagu galeeyo.
• Waa in ilmahu sito cunto ku filan oo ah matpakke, oo uu cuno xilliga birirfta weyn,waana inuu sito ugu yaraan hal habo oo furut ah.
• Iskoolada waxaa lagu siiyaa carruurta caano loo yaqaan skolemelk ama caanaha iskoolka oo ilmihii loo ballamiyey loogu keeno fasalka, waxaana laga ballansadaa webkan https://www.skolemelk.no/forside;jsessionid=33716B4FDEC7805…
Ilmuhu waxuu ubaahanyahay dhar dheeraad ah oo haddii uu qoyo ama dhib kale dharka ka gaaro uu ku bedesho,waxaa kale oo loo baahanyahay in ilmuhu haysto kabo ay gudaha ku isticmaalaan,waxaana loo baahanyahay in ilmuhu haysto dharka isboortiga haddii u uka weynyahay fasalka 3 aad.
Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan iskoolka
• Waa in iskoolku ka war hayaa ilamaha iyo waxii baahi gaar ah oo uu leeyahay sida caafimaadka iwm.
• Sannadka laba jeer ayaa waalidiinta lala kulmaa oo loogu yeeraa shirka waalidiinta waana in waalidku tagaan waaana muhiim,waana meelaha laga barto waalidiinta kale ee ilmahoodu kuwaaga la fasaltihiin.
• Waxaa kale oo jira shir kale oo laba jeer ah oo macallinku la yeesho waalidka iyo ilmaha oo looga hadlo xaaladda waxbarasho iyo dhaqan ee ilmaha,waana dood iyo hadal furan oo macallinku waalidka kula hadlo,waana xilliga aad oganaysida ilmahaaga iyo siduu ku yahay iskoolka ,waan muhiim xiriir wanaagsan oo macallinka lala yeesho.
• Xiritaanka iskoolka waxaa jira wax la yiraahdo xiritaanka iskoolka,waxaana isu yimaada waalidiinta oo dhan intii isku fasal ah ama iskoolka oo dhan waana laba jeer oo muhiim ah
• Waalidku waa inay akhriyaan waraaqaha ka yimaada iskoolka si loola socdo ballamaha, iyo fariimaha iskoolka ka yimaada,waana muhiim in maalin walba la eego boorsada ilmaha,si loo helo fariimaha.

Waxaa jira in iskoolka marka la furo sanad kasta la isugu yeero wax la yiraahdo DUGNAD oo la micna ah iskaa wax u qabso lagu hagaajinaayo iskoolka , lagu nadiifiyo deeyrkiisa,lagu ranjiyo fasalada, waana muhiim ka qaybqaadashadu waayo mar waa wax kuu fiican inaad ka mid ahaato waalidiinta loona arko ilmahaagu inay leeyihiin waalid iskoolka daneeya. Tan labaadna waxaad ku baranaysaa oo aad kula kulmaysaa waalidiin badan halkas oo aad ka helayso macaariif iyo dad aad la xariirto, weydiisona kolkaad u baahantahay warbixin dheeraad ah. Isbarashada waalidiintu waa wax aad u muhiim ah oo kuu sahlaaya is dhexgalka iyo inaad noqoto qof aan keli taagnayn waana meesha aad ka gudbi kartid, dhaqankaaga, diintaada iyo suuradda dhabta ah ee laga aamini karo,waana halka aad ku baaba´in karto beenta iyo waxa ay mediyuhu ka qoraan jiritaanka iyo qofnimada soomaalida iyo guud ahaan soo galootiga.

Waa muhiim in ilamaha la weydiiyo sida maalintii iskuulka ay ahayd iyo siduu dareemaayo,waana in la weydiiyo in la dhibay, la caayey, la cunsiriyadeeyey, waana in si taxaddar ah loo weydiiyo waxa uu dareemaayo iyo sida uu yahay.

Waxaan ku soo gunaanadaayaa ciddii u baahan warbixin dheeraad ah oo ku saabsan Norway, iyo hab nololeedkeeda dhan kasta oo ay tahay inay ila soo xariiri karaan, ina soo weydiin karaan waxii taageero iyo warbaxin ah oo ay ubaahanyahiin, waana mid aan ku faraxsanahay inaan qof soomaaliyeed oo u baahan warbixin aan siiyo, carruur soomaaliyeedna aan kala qayb qaato sidii iyaga iyo waalidkoodba ula qabsan lahaayeen nolol iyo bulsho cusub.
Guud ahaan qof kasta oo raba warbixin ku saabsan Norway waa ila soo xariiri karaa waana aan ka caawin karaa wixii aan ku dhaamo oo ku saabsan dalkan iyo noloshiisa.

Fiirii gaara ah waxaan si gaar ah u leeyahay shirkad yar oo gaar ii ah ooka shaqeeysa is dhexgalka iyo wada noolaanshaha ,waxaanna bixiyaa muxaadarooyin iyo koorsooyin ku saabsan is dhexgalka, waxaanna arrimahaas u leeyahay khibrad 12 sano ah oo aan dalka joogay, aanna 6 kamid ah ka shaqeeynaayey welina ka shaqeeyo xero qaxooti.

Waxaanna hiigsanayaa inaan isbedel weyn ku sameeyo aragtida iyo fikirka qaldan oo laga qabo Soomaalida, iyo Muslimiintaba, waana mid aan dhammaanteen masuul ka nahay sidii isbeddel loogu samayn lahaa.

Waxaan idiin rajaynaayaa in ay warbixintani idiin noqoto midi din anfacda.

W.Q: Mohamed Bashiir Hønefoss


Hadii aad rabto inaad aqoontaada, khibradaada, xirfadaada ama fikirkaaga la qeybsato bulshada soomaaliyeed, waxaad qoraalkaada noogu soo gudbin kartaa: NorSomNews@gmail.com

[adsenseyu2]

  • Tags
  • w
Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x