Sweden: 3 dhalinyaro soomaali ah oo xabsi lagu xukumay, kadib markii lagu helay danbi ah inay kufsi geysteen

0
109

Sadex dhalinyaro ah oo asalkoodu uu soomaali yahay ayaa waxaa lagu xukumay xabsiyo kala duwan, kadib markii ay maxkamad ku heshay danbi lagu eedeeyay oo ahaa inay kufsi iyo jirdil u geysten gabar dhalinyaro ah.

Labo kamid ah dhalinyarada waxaa lagu xukumay min sadex sano, halka kan sadexaadna lagu xukumay labo sano oo xabsi ah. Wiilasha la xukumay ayay da´doodu u dhaxeysaa 18 ilaa 19 sano.

Dacwad oogaha kiiska dacwada kusoo oogayay sadexdan wiil ayaa maxkamada ka codsaday in dhalinyaradaas labo kamid ah laga musaafuriyo Sweden, laakiin maxkamada ayan ku raacin codsigaas dacwad oogaha.

Dalka Sweden waxaa kusoo badanayo dacwadaha loo heysto dhalinyarada soomaalida ah ee ku eedeysan falalka kufsiga ah. Dhawaan ayey aheyd markii magaalada Stocklom lagu qabtay sadex dhalinyaro soomaali ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay kufsi u geysteen haweeney 40 sano jir ah.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments