Orodyahan dhalinyaro soomaali ah oo ku guuleystay tartamo orodka dheer iyo kan dhexe ah

0
175

Abduljaleel Hir oo ah orodyahan 21 sano jir soomaali-norwiiji ah ayaa kaalinta koowaad ka galay tartanmo orodka ah oo ka dhacay garoonka Stangnes Friidrettsarena ee magaalada Harstad ee woqooyiga dalkan Norway. Abduljaleel ayaa kaalinta koowaad ka galay tartanka orodka dheer ee 3000 M iyo kan orodka dhexe ee 800 M.

Abduljaleel ayaa sidoo kale horey ugu guuleystay tartan orodka dhexe ah oo bilowgii xagaagan ka dhacay dalka Sweden. Warbaahinta Norway ayaa isbuucyo kahor aad wax uga qoreysay orodyahan soomaaliga ah, isaga oo sheegay inuu ku haminayo inuu ka qeybqaato ciyaaraha olombikada aduunka ee sooo socdo.

Sida ay sheegayaan macalimiinta orodyahankan soomaaliga ah iyo dadka khibrada u leh tartamada orodka, waxey saadaalinayaan in

Abduljaleel uu mustaqbal weyn ku dhexleeyahay tartamada orodka, hadii uu sii wado dadaalka.

Abduljaleel oo isdiyaarin ugu jiro tartanka

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments