Frp oo rabo in waajib laga dhigo in gabdhaha jirkooda lagu baaro iskuulada

0
176
Silje Hjemdal Foto: Stillebilde: Youtube

Xisbiga FRP ayaa war ay maanta soo saareen ku sheegay inay rabaan in lasoo rogo waajib ah in jirka gabdhaha lagu baaro iskuulada, si looga hortago, isla markaana loo ogaado gudniinka gabdhaha oo ay sheegeen inuu yahay dhibaato jirto oo sii kobceyso, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Silje Hjemdal oo Frp uga sharaxan gobolka Hordoland ayaa sheegtay in la joogo xiligii dood dhab ah laga abuuri lahaa gudniinka. Iyada oo sheegtay in caruur norwiiji ah ay ku dhacaan dhibaatooyin xun-xun xiligan hada la joogo, waa sida ay hadalka u dhigtee.

Bishii Febraury ayay wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway, S. Listhaug oo Frp katirsan ay sheegtay inay arinta ku saabsan gudniinka ay soo ka dhigi doonto waxyaabaha ugu waaweyn ee laga hadli doono, laakiin ilaa markaas wax war ah lagama maqal Frp ama Listhaug.

Xigasho/kilde: ABC-nyheter

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments