E.Solberg iyo S. Listhaug oo shacabweynaha ka codsanayo inay soo jaajuusaan qoxootiga

0
193

Wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway Sylvi Listhaug ayaa shacabweynaha reer Norway ka codsanayo inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa dadka qoxootiga ah, isla markaana ay UDI-da lasoo xiriiraan hadii ay dareemaan inay u safrayaan wadankii ay kasoo jeedeen. Reysulwasaaraha Norway ayaa dhankeeda sheegtay inay wasiirada soo galootiga ku taageersantahay arintaas.

Listhaug ayaa sheegtay inay jiraan dad badan oo u yimid intii lagu jiray ololaha doorashada, waxeyna u sheegeen inay jiraan dad qoxooti ah oo ay  daris yihiin,  kuwaas oo ku fasax ku aaday wadankii ay sheegeen inay kasoo carareen, kadib markii ay magangalyo ka heleen Norway. Listhaug ayaa sidaas darteed dadka caadiga ah ka codsaneyso inay isla markiiba UDI-da lasoo xiriiraan, hadii ay arkaan xaalad noocaas oo kale ah.

UDI-da ayaa hada gacanta ku heyso kiisaska 78 qof, kuwaas oo la sheegay inay dalkoodii ku noqdeen, markii ay magangalyo Norway ka heleen kadib. Waxaana ay dadkaas khatar ugu jiraan inay lumiyaan sharciga magangalyada. Listhaug ayaa aaminsan in tiradu ay intaas wax badan ka badantahay, sidaas darteed ayay sheegtay inay muhiim tahay in dadka caadiga ah ay arintaas ka qeybqaataan, isla markaana ay UDI-da soo wargaliyaan.

Macalimiinta iskuulada, codsi gaar ah:

[adsenseyu2]

Listhaug ayaa si gaar ah u xustay macalimiinta iskuulada, kuwaas oo ay sheegtay inay xiriir toos ah la leeyihiin caruurta. Waxeyna ka codsatay inay UDI-da kusoo wargaliyaan hadii ay maqlaan caruur leh inay fasax ku tageen dalkii ay waalidkoodu qoxooti ahaanta uga soo qaxeen. Si markaas ay UDI-du arintaas baaritaan dheeri ah ugu sii sameyso.

KRF: Dhaqan Norwiiji ma ahan arintaas

Gudoomiyaha xisbiga KRF, Knut Arild ayaa dhankiisa sheegay inay wax aan soconeyn ay tahay in qoxootigu ay dalkii ay kasoo qaxeen ay fasax u aadaan, balse wuxuu sheegay ineysan dhaqan-norwiiji aheyn in la is jaajuuso. Isaga oo raaciyay in arintaas hoos u dhigeyso kalsoonida mujtamaca.

NOAS: Shaki galin iyo xaalad abuuris

Ururka xuquuqda magangalyo doonka ee NOAS ayaa sheegay in warka kasoo yeeray Listhaug uu shaki iyo kalsooni daro ka dhex abuuri karo soo galootiga iyo dadka wadana u dhashay.

Xigasho/kilde: NRK

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments