Waaxda canshuuraha oo dadka uga digeyso inay furaan e-mailkan.

0
148
Foto: Skjermdupm

Waaxda canshuuraha ee dalkan Norway ayaa digniin kasoo saartay e-mailkan shaley ilaa maanta usoo dhacay dad badan oo reer Norway ah. E-mailkaas oo ah mid ay ka danbeeyeen kooxo burcad-internet ah, ayaa dadka loogu sheegayaa inay usoo noqotay lacag canshuur ah, isla markaana ay sheegaan meesha ama kontada lacagtaas loogu soo diri karo.

Waaxda canshuuraha ayaa dadka uga digeyso inay furaan e-mailkaas ama linkiyada(cinwaanada) ku lifaaqan. Iyaga oo si gaar ah dadka uga digayo ineysan ku qorin koontooyinkoda bankiyada ama macluumaadkooda shaqsiyeed. Skatteetaten ayaa sidoo kale dadka e-mailadaas helay ku dhiirigaliysaa inay iska tirtiraan gabi ahaanba. 

Xigasho/kilde: Skatteetaten.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments