SSB: Waa sidee heerka aqooneed iyo xaalada waxbarasho ee jaaliyada soomaaliyeed ee Norway?

0
237

Hey´ada tirokoobka iyo xog uruurinta dalka Norway ee SSB ayaa soo saartay warbixintoodii sanadlaha aheyd ee ay kusoo bandhigi jirtay heerka aqooneed ee guud bulshada Norway iyo soo galootiga dalkan kunool.

Warbixintan cusub ayey SSB ku sheegtay in 32,9%(sadexdii qofba, qof) bulshada reer Norway ay leeyihiin aqoon ama waxbarasho heer jaamaceed ah.

Heerka aqoonta soomaalida: 

Sida ay SSB ku xustay warbixintan, waxaa Norway kunool 24 651 qof oo soomaali ah, kuwaas oo da´doodu ay le´egtahay ama ay ka weyntahay 16 sano. Waxeyna heerkooda aqoonta iyo waxbarashadu u qeybsantaa sidatan:

[adsenseyu2]

1. Jaamacad ama aqoon sare: Waxaa Norway kunool 2293 qof oo soomaali ah, kuwaas oo heysto shahaado aqoon sare ama heerkoodu waxbarasho ay koreyso dugsi sare. Waxeyna usii kala qeybsamaan sidaan: a) 122 qof: Iskuulada sare ee farsamada(Fagskole). b) 1793 qof: Bachelor ama shahaada koowaad ee jaamacada. C) 376 qof: Master ama PHD.  Soomaalida reer Norway ee heysata shahaadada jaamacadeed, waxey u dhigmaan 9,3% soomaalida Norway ee ay da´doodu ka koreyso 16 sano. 

2. Dugsi sare: Sida ku xusan warbixinta SSB, waxaa Norway kunool 3709, kuwaas oo heerkooda waxbarasho ay gaarsiisantahay dugsiga sare. Waxeyna u dhigmaan 15%.

3. Dugsiga hoose dhexe: Waxaa wadankan Norway kunool 15 944, kuwaas oo heerkooda waxbarashada aysan dhaafsiinneyn dugsiga hoose dhexe(Grunnskole). Waxeyna u dhigmaan 64,7%, taas oo la micno ah in soomaalida ugu badan ee Norway kunool ay heerkooda waxbarasho ama aqooneed aysan dhaafsiisneyn dugsiga hoose dhexe.

4. Aan waxbaran/(umi ah): Sida ku xusan warbixinta SSB, waxaa Norway kunool 2705 qof oo aan laheyn wax aqoon ah(ama isku dhiibay ineysan aqoon laheyn). Waxeyna soomaalida aan aqoonta laheyn ay u dhigmaan 10,9%, waxeyna tiro ahaan ka badanyihiin soomaalida jaamacada ka baxday. Sidoo kale soomaalida ayaa ah qowmiyada ay kasoo jeedaan dadka ugu badan ee aan aqoonta laheyn, wadankan Norway. 

Mustaqbalku waa caruurta soomaaliyeed:

Sida ka muuqato warbixintan SSB, waxaa muuqato inay kor usii kaceyso tirada dadka soomaaliyeed ka baxaya jaamacadaha dalkan Norway. Warbixin kale oo ay SSB soo saartay, waxaa dalkan Norway kunool tiro kor u dhaafeyso 13 000 oo caruur soomaali ah, iyada oo 94% caruurtaas ay da´doodu ka hooseyso 19 sano(wali ma eysan soo dhaafin da´da dugsiga sare).  Mustaqbalka jaaliyada soomaaliyeed ee dalkan iyo waliba heerkooda aqooneed, waxey ku xirantahay mustaqbalka caruurtaas iyo meesha ag cag dhigaan.

Xigasho/kilde: SSB

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments