Trump oo dagaal cir iyo dhul ah kula jiro warbaahinta madaxa banaan ee Mareykanka

0
162

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sii laba jibaarey weerarada afka iyo qoraalada ah ee uu ku hayo qaar kamid ah Warbaahinta Maraykanka sida CNN NY Time iyo Washington Post.

Donald Trump ayaa maanta bartiisa Twitterka ku faafiyey muuqaal isaga oo dagaal kula jira qof uu madixiisa ku bedeley astaanta telefishanka CNN, waxaana uu feer dhulka la dhigayaa qofka uu CNN ku tilmaamey.

Muuqaalkan ayuu ka soo qaatey markii uu ahaa Xidiga Telefishanada (Reality TV star) oo uu ka qaybgalay Ciyaarta legdinta iyo haraatida ah oo uu kamid ahaa dadka lacagaha badan ku bixiya daawashadeeda.

Carada iyo nacayba uu u qabo warbaahinta CNN darteed ayuu Donald Trump sidaan u yeelay waxaana uu isu muujinayaa in uu ka guuleystey CNN oo uu ugu yeero FNN Fraud News Network.

Trump ayaa jecleyn dhaleeceynta iyo wax wax laga sheego go´aanadiisa siyaasadeed, waxaana muuqato inuu aad u jecelyahay amaanta iyo in isagu uu mar walba ahaado qofka ahmiyada koowaad leh.

Dabeecadaas oo uu Trump lahaa inta uusan madaxweyne noqon, ayay dad badan rajeynayeen inuu isbadalo marka uu ku fariisto kursiga madaxweynenimo. Laakiin waxey u muuqataa in ficilada iyo hadalada Trump ee ku aadan warbaahinta madaxa banaan ay maalinba maalinta ka danbeysa sii xumaanayaan, isaga oo hada gaarey heer uu iclaamiyo dagaal toos ah oo uu la gali doono warbaahinta madaxa banaan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments