Sweden: Soomaalida qaadatay masiixiyada: Waxaa naloogu hanjabaa dil Sweden dhexdeeda

0
165
Foto: Skjermdump/Dagen Foto:NATANAEL JOHANSSON

Sida uu maanta soo daabacay wargeyska inta badan u janjeera diinta masiixiyada ee Dagen.se dalka Sweden, soomaalida qaadatay diinta masiixiyada ee kunool dalka Sweden ayaa sheegay inay si maalinle ah ula kulmaan hanjabaado ku wajahn naftooda, isla markaana loogu hanjabayo dil. Hanjabaadahaas oo ay kala kulmaan soomaalida kale ee kunool isla dalkaas Sweden.

Mona Walter, Shiine iyo Shania Gaabow oo intuba ah qaar kamid ah soomaalida qaadatay diinta masiixiyada, ayaa sheegay inay helaan fariimo hanjabaad dil ah. Halka qaarkoodna baraha bulshada iyo barta Youtube-ka lagu faafiyay muuqaalo lagu caayayo, isla markaana loogu hanjabayo.

Wargeyska Dagen ayaa sidoo kale qorayo dhacdooyin qaar ay la kulmeen soomaalida masiixiyiinta ah ee kunool dalka Sweden, kuwaas oo qaarkood loogu hanjabayo dil iyaga iyo waliba qoysaskoodaba.

Hanjabaadahan ayay sheegeen inay kala kulmaan qaar kamid ah soomaalida Sweden iyo wadamada kale ee Yurub. Halka qaarna ay hanjabaado kala kulmaan qoysaskooda.

Xigasho/kilde: Dagen.se

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments