Reysulwasaaraha Australia oo jawaab cad ka dalbaday dowlada Mareykanka iyo falkii uu geystay askariga soomaaliga ah

1
201

Reysulwasaaraha dalka Australia Malcolm Turnbull ayaa jawaab cad ka dalbaday dowlada Mareykanka, kadib markii sarkaal soomaali ah oo katirsan booliska Minneapolis uu toogasho ku dilay haweeney u dhalatay dalka Australia.

Sarkaalka soomaaliga ah ee falkaas geystay oo lagu magacaabo Mohamed Nuur, ayaa booliska Minneapolis kusoo biiray sanadkii 2015. Wuxuuna ahaa qofkii ugu horeeyay ee soomaali ah oo kamid noqdo ciidamada booliska magaaladaas ay soomaalidu ku badantahay.

Malcolm Turnbull ayaa sheegay in dhacdadaas ay aheyd mid murugo iyo argagax leh, isla markaana ay dowladiisu dowlada Mareykanka uga fadhido jawaab iyo sharaxaad cad oo ku aadan qaabka uu u dhacay falkaas dilka ah.

Haweeneyda geeriyootay ayaa aheyd dhakhtarka xoolaha, waxeyna fasax ku joogtay dalka Mareykanka, iyada oo uu qorshuhu ahaa inay halkaas ku aqal-gasho bisha soo socoto ee August.

Madaxa booliska magaalada Minneapolis ayaa sheegay inay baaritaan dhan walba leh ku sameyn doonaan dhacdadaas, isaga oo sheegay in boolisku ay fahansanyihiin su´aalaha ay dadku iska weydiin karaan qaabka uu falkaas u dhacay.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no,  Aftenposten.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
Ismail
Ismail
6 years ago

ciwaanka kore iska saxa