Listhaug: Waxaan rabaa in xijaabka laga mamnuuco iskuulada caruurta

0
203

Wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada ee dalkan Norway, Sylvi Listhaug ayaa sheegtay inay rabto in xijaabka laga mamnuuco dhamaan iskuulada caruurta iyo xarumaha xanaanada caruurta(barnehage) ee dalka Norway. Hadii iskuulada lagu arko caruur xijaab wadatana, waalidkood loo ciqaabo.

Listhaug ayaa sheegtay in caruurtu aysan laheyn go´aan ay ku dooran karaan inay xijaab xirtaan iyaga oo yar iyo in kale. Sidaas darteed ay tahay wax aad looga xumaado in gabdho yar-yar loo xijaabo, iyaga oo loo fiirinayo inay jirkooda ka asturaan raga waaweyn. Waxeyna raacisay in arintaas aysan aheyn mid la jaan-qaadi karta Norweyda maanta.

[adsenseyu2]

Wasiirka waxbarashada dalkan Norway oo katirsan xisbiga Høyre ayaa dhankiisa sheegay inuusan Listhaug ku raacsaneyn arintaas, isaga oo iska fogeeyay in xisbigiisu uu arintaas rabo. Wuxuuna dhanka kale sheegay inay kasoo horjeedaan indho-shareerka iyo waxyaabaha lamidka ah, laakiin mamnuucista xijaabka ee iskuulada caruurta aysan meesha ugu jirin.

Trond Giske oo ah gudoomiye ku xigeenka Ap, ahna afhayeenka arimaha waxbarashada ayaa sheegay inuusan la yaabaneyn in hadal noocan ah uu kasoo yeero listhaug, iyada oo bil iyo bar ay ka harsantahay doorashada baarlamaanka. Wuxuu dhanka kale sheegay in xisbigiisu uu guud ahaan kasoo horjeedo xijaabka caruurta ee iskuulada, balse in laga mamnuuco ay tahay arin aan caqliga gali karin.

Listhaug: Wasiirada mamnuucista.

Waxey mudo bil iyo bar ah naga xigsantahay doorashada baarlamaanka dalkan Norway. Waxaana muuqato in xisbiyadu ay dadaal ugu jiraan kasbashada quluubta cod-bixiyayaasha.

Listhaug oo shaqad kusoo noqotay bil kahor ayaa maalmahan si daran-doori ah usoo jiidaneyso qodobo ku saleysan soo galootiga oo badankood ku saabsan mamnuucis, jaris iyo kordhin. Taas oo loo arki karo inay ku kasbaneyso codadka dadka ee ololaha doorashada.

Xigasho/kilde: VG, Adressavisen, RB.NET

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments