onsdag, april 24, 2024

Sweden: Xisbiyada mucaaradka oo kalsoonida kala noqday qaar kamid ah wasiirada dowlada Sweden

Xisbiyada mucaaradka dalka Sweden ee la isku yiraando Alliansen ayaa shir jaraa’id oo maanta qabteen waxey ku sheegeen iney kalsoonidii kala noqdeen saddex wasiir oo ka tirsan golaha xukuumadda ee Stefan Löfven. Hogaamiyaasha afarta xisbi ayaa shirkooda jaraa´id ku sheegay inay kalsoonadii kala noqdeen wasiirka arrimaha gudaha Anders Ygeman , wasiirka gaashaandhigga Peter Hultqvist iyo wasiirka kaabayaasha dhaqaalaha Anna Johansson.

Hogaamiyaha xisbiga Sverige demoquraadi-ga Jimmie Åkesson ayaa isna dhankiisa sheegey in loo baahan yahay in saddexdaas wasiir iska casilaan xilalkaas wasiirnimo oo ay imminka hayaan

Sababta xisbiyada mucaaradku kalsoonida ugala noqonayaan saddexdaan wasiir ayaa la xiriirta fadeexaddii ka dhacdey hey’adda gaadiidka dalkaan taas oo siro dalka Sweden xasaasi u ah ay dhici karto iney gacanta u galeen dad ajnabi ah oo ku nool dalal dhaca barriga qaaradda Yurub.

Reysulwaraaha Sweden oo iscali kara:

Sida ay maanta qorayaan dhamaan warbaahinta Sweden, Reysulwaraaha Sweden ayaa ku jiro shirar isbaba joog ah oo uu ku qiimeynayo inuu xilka isaga dago iyo inkale. Xukuumada Stefan Lofven ayaan wax aqbaliyad ah ku laheyn xisbiyada fadhiya baarlamaanka Sweden, waxeyna u badantahay inuu iscasili doono, maadaama qaar kamid ah wasiiradiisa kalsoonida lagala laabtay.

Dalka Sweden ayaa ku jiro qalalaaso siyaasadeed tii ugu xumeyd abid, lamana garan doono sida uu xaalka noqon doono maalmaha soo socdo.

Xigashp/kilde: Radio-Sverige

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x