Lacagta la siiyo waalidka heysta caruurta ay da´doodu u dhaxeyso sanad ilaa labo sano, isla markaana aan dhigan xarumaha xanaanada caruurta ee dowlada(Barnehage), ayaa waxaa lagu kordhiyay 1500, taas oo oo hada noqon doonto 7500 NOK. Halkii ay markii hore aheyd 6000.
Arintan ayaa dabo socoto heshiiskii ay xisbiyada wadaaga ah ee dowlada ay galeen dhamaadkii sanadkii hore, intii ay socotay wada-xaajoodyada miisaanyada sanadkan 2017. Waxaana fikirkaas lahaa xisbiga KRF oo lagu tiriyo xisbiga inta badan u dooda lacagtan la siiyo waalidiinta caruurta ku heysta guryaha.
Dhamaan xisbiyada kale ee dowlada ayaa kasoo horjeedo lacagtaas la siiyo waalidiinta ilmaha ku heysto guryaha, iyada oo qaarkood sida Frp, Ap iyo Høyre ay soo jeediyeen in gabi ahaanba la jaro, halka qaarkoodna ay aaminsanyihiin in la yareeyo.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in dowlada Norway ay isbuucyo kahor meel-marisay sharci dhigaya in lacagtaas aan la siin karin dadka soo galootiga ah ee wadanka degenaa wax kayar 5 sano.
Xigasho/kilde: VG.NO
[adsenseyu2]