Kuliyadahan ayaa ugu adag in qofku uu soo galo jaamacadaha dalka Norway

0
223
Foto: Shutterstock

Maalintii shaley aheyd waxaa soo baxday jawaabta codsiyada jaamacadaha, waxaana sanadkan mar kale kor u kacay tirada ardeyda codsatay inay jaamacad bilaabaan. Isku dar waxaa jaamacad sanadkan codsaday 135.000 qof, waxaana jaamacada soo galay ama boos ka helay 95.101 qof.

Maanta oo khamiis ah waxaa markale lasoo bandhigi doonaa boosaska ka banaan jaamacadaha oo dadku codsan karaan, iyada oo ay muhiim tahay in dadku ay xili hore codsadaan boosaska banaan.

Dhakhtarnimo waa kuliyada ugu adag ee lasoo galo:

Mar kale ayey dhakhtarnimadu(Medisin-studiet) noqotay kuliyada ugu adag ee lasoo galo dhamaan jaamacadaha Norway. Waxaana kusoo xigo dhakhtarka ilkaha(Tannlege), iyada oo guud ahaan maadooyinka ku saabsan caafimaadku ay yihiin kuwa ay dadka ugu badan codsadaan Norway, waxaana ay taas keentay in sanad walba ay kor u kacaan dhibcaha lagu soo galo.

Kuliyadahan ayaa ah kuwa adag ee laga soo galo jaamacadaha Norway. 

 

Kilde: DN.NO

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments