Germany: 3000 oo qoxooti ah ayaan Talyaaniga kasoo qaadan doonaa

0
106

Dowlada Germany ayaa sheegtay inay Talyaaniga kasoo qaadan doonto 3000 qof oo qoxooti ah, kuwaas oo dib u dajin loogu sameyn doono Germany. Iyaga oo isla markaana dowladaha kale ee Yurub ku dhiirigaliyay inay Talyaaniga kasoo qaataan qoxootiga ku xayiran dalkaas.

Germanya ayaa dhanka kale sheegtay inay Talyaaniga ugu deeqeyso lacag dhan Hal Milyan oo Euro, taas oo loogu talagalay wax ka qabashada xaalada qoxootiga dalkaas kusoo daga.

Tahriibayaal lagu qiyaasay 85.000 ilaa 100.000 ayaa lixdii bilood ee lasoo dhaafay sanadkan. Waxaana la saadaalinayaa in tiradaas ay sadex jibaarbi doonto dhowrka bilood ee soo socdo.

Italy ayaa dhawaan ku hanjabtay inay doomaha dadka soo badbaadiyo ka xiran doonaan dekadahooda, hadii dalalka kale ee Yurub aysan qeyb ka qaadan dib u dajinta qoxootiga dalkaas ku xayiran.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments