Dalxiis macno ahaa waa safar loogu baxo nafta oo la soo nasiyo la baashaaliyo loona soo raaxeeyo , ama loo baxo safar la doonayo daawo dabiici ah iyo caafimaad, sidoo kale waxaa jira dalxiis loogu baxo in la soo helo wax cusub aqoon iyo cilmi ahaanba, gaar ahaan dhulka ,dhaqamada iyo dadka oo la soo bartoba.
In la safrona ama dalxiis la aado, waxaa ugu muhiimsan in la helo kaabayaasha dalxiiska oo waqtiga iyo dhaqaaluhuba ay ka yihiin aasaas.
Dalxiise ayaa la lagu magcaabaa qofka safar ugu baxa dalxiis ahaan, waana qof ugu yaraan u safray meel gurigiisii ka durugsan 80 km sida ay sheegtay hay,adda dalxiiska caalamiga ah oo hoos timaadda Qaramada midoobay.
Waqtiyadan dambena waxaa soo baxay noocyo kale oo dalxiis ah oo ay kamd yihiin wax iibsi ama dukaamaysi. Dalxiisyada diiniga ah oo ay dadku ku tagaan dhulka diimohooda taariikhda ku leh ayaa iyagu ah kuwa soo jireen ah, waxaase maanta ugu caansan kan ay muslimiintu ku tagaan magaalooyinka barakaysan. Xajku isagu waa ka weynyahay dalxiiskaa oo waa soo gudasho cibaado iyo tiir ka mid ah tiirarka islaamka. Waxaa iyana jira dalxiisyo shaqo ama shirarba loogu baxo oo ay shirkadaha waaweeyn madaxdoodu isugu taagaan meel go´an iyagoo ajende shaqo ka sokoow haddana dalxiis ku hoos wata iyada oo kolba dal lagu kulmo. Dalxiisyada ciyaaraha yaa iyaguna ah kuwa caan baxay xilliyadan dambe.
[adsenseyu2]
Faaidooyinka dalxiiska ee qofku helo oo ah jawi bedelasho, soo nasasho,raaxaysi,soo cunis cuntooyin kale ,barashada dhaqamada iyo shucuubta, waxaa sii dheer tan guud ee waddamadu ka faaidaan oo dakhli badan ayaa dalxiiska ka soo gala waddamada,waxaana jira waddamo dalxiisku yahay kaabaha ugu weyn ee dhaqaalaha, waxaana jira waddamo ay noloshooduba badi ku xirantahay dalxiiska iyo dalxiisayaasha oo soo geliya dakhli aad u fara badan.
Faransiiska ,marykanka iyo shiinaha ayaa ah waddamada ugu badan ee loo dalxiis tago,waxaana tusaale ahaan maraykanka sannadkii ka soo gala dalxiiska caalamiga ah ee dibadda looga yimaado ku dhowaad 100 milyaar.
Haddan U soo dego dulucda aan maqaalkan u soo qaatay waxaa igu dhaliyey kolkii aan arbacadii dalxiis ugu baxay dalka Jarmalka aniga oo sii raacay doon ama markab weyn oo la yiraahdo clorline,waxaana safarkaas igu weheliyey 3 ka mid ah carruurtayda. Safarkaas ama dalxiiskaas waxaan ku kulannay Soomaali aad u tira badan oo u badnaa qoysas wata carruuro ,waxaanna inta badan ay ahaayeen hooyooyin keligood wata carruurtooda oo ay qaarkood ilaa 3 ama 4 carruur ah wateen, Hooyooyinkaa qaarkaood ayaa ka yimid ama ka soo tegey aabbe iyo carrur kale oo qaarkood dhallinyaro yihiin.
Soomaalidaasi dhammantood waxay ahaayeen dad u soo safray una soo dalxiis tegey in ay carruurahooda dalxiis geeyaan jawigana u soo bedelaan, maadaama ay carruuruhu in badan iskuul ku kallahaayeen haddana loo xiray ayna carruuraha la midka ah ma la iskoolada ahi ay dalxiis u baxaan badidood. Waxaan la kulmay waalidiin soomaaliyeed oo u bisil inay carruurtooda siiyaan fursad una huray waqtigooda, iyo dhaqaalahaba, waxayna dhammaan dadkaasi ahaayeen dad ay ka muuqato inay leeyihiin khibrad dhanka dalxiiska ah,waxay gaar ahaan hooyooyinku ahaayeen kuwo aad u feejigan oo ula socda carruurta iyo dhaqdhaqaaqooda. Waxay kaloo soomaalidaasi ahaayeen dad la socda barnaamijya carruurta oo doonta ka socday,waxaaana ka muuqaday iyaga iyo carruurahaba farxad iyo rayn rayn.
Carruraha aan doonta kula kulmay ilaa 30-meeyo waa ku dhowaayeen da,a walba leh isugna jirey wiilal iyo gabdho,waxayna iyaga iyo kuwa aan wadayba muujiyeen farxad iyo jacayl ay isu qabeen kuna faansanaayeen soomaalinimadooda, waxayna muujiyeen is fahan iyo in ay wada ciyaaraan ,barnaamijyada ka wada qayb qaataan,isna ilaaliyaan, iyaga oo kuwa yaryar u muujinaayey naxariis gaar ah.
Aaabayaasha aan kula kulmay doontaas oo laba keli ahaa ayaa iyaguna ahaa kuwa aad u ahaa masuuliyiin iyo waalidiin waxayna dhankooda ka hayeen masuuliyadda iyo ilaalinta dhallaankooda, waxaanuna is weydaarsanaynay mar kasta oo aan kulanno sheekooyin kooban oo ku siman safarka iyo dalxiiska waloow aannu mar mar xaaladda dalkan iyo kii hooyoba dul istaagaynay annaga oo aan xagga siyaasdda marna gelin balse ku eg arrimaha bulshada, gaar ahaan Norway iyo xaaladda Soomaalida.
Haddii aan haddaba dhanka dalxiiska iyo Soomaalida Norway u soo noqdo waxaan kula talinayaa waalidiinta carruurta haysta inay carruuraha fursad u siiyaan inay dalxiis yar ubaxaan xilliga xagaaga ee iskuuladu xiranyihiin. Waloow aan ogahay in duruufta dhaqaale aanay wada saamaxayn haddana maaha qasab in xoolo badan lagu lumiyo dalxiiska ama laabo farabadan la gado, ee waxaa muhiim ah in jawiga la bedesho meelo kala jaad ahna la tago, ubadkana la dareen siiyo farax iyo inay la mid yihiin carruuraha kale,aanayna ka liidan ayna leeyihiin waalidiin , dabooli karta baahidooda.
Waxaan kale oo si gaar ah ula hadlayaa dadka u ololeeya arrimaha bulshada inay waalidiinta ka caawiyaan macluumaadka ku saabsan dalxiiska gacanna qabtaan kuwa keligood ubad haysta aanna aqoon fiican u lahayn inay helaan warbixnaha , ama kuwa ku cusub dalka ee aan weli la qabsan. Waxaanna ka codsnayaa waalidiinta carruuraha leh in ay la xiriiraan dadka ay bidayaan khibradda iyo aqoonta,hana ogaadaan in ubadkoodu ubaahanyihiin nolo wanaagsan,farxad iyo jacaylba.
Ugu dambayn waxaan mujtamaca soomaaliyeed ee ku dhaqan Norway u sheegayaa in aanay dheg u jalaq siin hadaladda aan salka lahayn ee uun lagu sheego xumaanteenna, ayna iyagu is muujiyaan adeegsadaanna si kasta oo ay ku muujinayaan inay yihiin dad ka mid ah mujtamaca waddanka lehna dhaqan ugaar ah oo ay ku faanaan, ay sidaa tahayna ay carruurohoodu helaan xaquuqda iyo fursadaha ay helaan ubadka kale ee dalka kula nool ajaanib ama kuwa u dhshayba ha ahaadeene.
Waxaan soo dhoweynayaa waxii aragti ah ama fikir ah oo aad maqaalkana ka soo dhex saartaan waxii qaladaad ahna wa ala saxi karaa.
Warbixin ku saabsan safarka iyo doonta clorline :https://www.colorline.no/oslo-kiel
W.Q: Mohamed Bashiir Hønnefoss
[adsenseyu2]