Maal qabeenka aduunka ugu taajirsan ee Bill Gates ayaa dowladaha Yurub ugu baaqay inay xakameeyaan soo galootiga aadka u tiro badan oo ay sanad walba qaabilaan. Bill oo wareysi siinayay wargeyska Welt ayaa sheegay inuu walaac aad u weyn ka muujinayo soo galootiga Afrikaanka ah ee Yurub sanad walba kusoo qul-qulaya.
Bill Gates ayaa sheegay in mar walba oo ay Yurub qaabisho soo galooti badan oo Afrikaan ah, ay fariin u direyso dadka kale ee Afrika kunool, ayna ku qasbeyso inay ayagana badda soo fuulaan oo Yurub usoo hayaamaan.
Dhinac waxaad wanaag u muujiyaan qoxootiga aad qaabisheen, laakiin markasta oo qaabishaan soo galooti, waxey fariin toos ah u direysaa dadka Afrika kunool, oo iyagana raba nolol fiican oo ay Yurub ka helaan. Jarmalkuna ma wada qaabili karo dhamaan dadka kunool qaarada Afrika ee raba inay Yurub soo aadaan, ayuu Gates raaciyay hadalkiisa.
Maalqabeenkan ayaa dhanka kale sheegay inay haboontahay in dadka Afrika kunool lagu caawiyo, isla markaana ay nolol wanaagsan ku helaan dhulalkooda. Isaga oo dhanka kale wadamada Yurub ugu baaqay inay adkeeyaan sida uu qofku ugu soo talaabi karo Yurub.
Xigasho/kilde: Dailymail.co.uk, News.com.EU
[adsenseyu2]