Wasiir katirsan dowlada Turkiga oo loo diiday inuu galo Austria

0
154
Nihat Zeybekci: Wasiirka dhaqaalaha Turkiga

Dowladda Austria ayaa wasiirka dhaqaalaha Turkiga ka mamnuucday inuu dalkaas soo galo, si uu uga qeyb-galo dibadbax lagu xusayo sanadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay afgambigii dhicisoobay ee dalkaas.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Austria, Thomas Schnoell ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey go’aankan oo uu gaaray wasiirka arrimaha dibedda dalkaas Sebastian Kurz.

Waxa uu sheegay in dibadbax uu ka qeyb galo Nihat Zeybekci oo ah wasiirka dhaqaalaha Turkiga ay halis gelin karto amniga iyo kala dambeynta Austria.

Dowladda Austria ayaa horey u dhalleeceysay howl-gallada ciidamada amniga Turkiga ay fulinayeen wixii ka dambeeyey afgambiga, waxayna ku baaqday in la hakiyo wada-hadallad Turkiga uu doonayo inuu kaga mid noqdo Midowga Yurub.

Go’aanka Austria ayaa xigay go’aan kale oo ay dowladda Netherlands ku sheegtay in ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga Tugrul Turkes uusan iman karin dalkaas. Turkes ayaa doonayey inuu ka qeyb galo xaflad ay jimcihii dhigeen bulshada Turkish-ka ee dalkaas, oo lagu xusayey afgambiga.

Xigasho/kilde: Voa-Somalia

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments