Turkiga oo wafdi dowlada Germany ka socdo u diiday inay soo galaan dalkeeda

0
203

Xiriirka siyaasadeed ee wadamada Turkiga iyo Germany ayaa sii xumaanayo, kadib markii dowlada Turkiga ay diiday in dalkeeda ay soo galaan wafdi ka socdo dowlada Germany, kuwaas oo rabay inay booqasho ku tagaan xero ciidan oo  Germany ay ku dhexleedahay Turkiga.

Arintan ayaa loo arkay talaabo ay dowlada Turkigu kaga aargoosaneyso Germany, kadib markii dhowr bilood kahor ay Germany diiday in dalkeeda ay soo galaan wafdi ka socday dowlada Turkiga, kuwaas oo rabay inay kulan la qaataan jaaliyada Turkiga ee Germany, intii ay socotay ololihii aftida dadweyne ee Turkiga ka dhacday bishii April.

Wadanka Turkiga ayaa waxa ku yaalo saldhig milatari oo uu leeyahay wadanka Germany, kaas oo badankiis ay ciidamadda Germany u isticmaalaan dagaalka lagula jiro kooxaha daacish ee ka dagaalama wadanka wadamada suuriya iyo ciraaq. Saldhigan waxaa sidoo kale shidaalka ka qaata diyaaradaha dagaalka ee Germany iyo kuwa xulafada Nato.

Wasiirka arimaha dibadda dalkan Germanu Sigmar Gabriel, ayaa sheegay in dowladiisu ay ka fikiraayo sidii ay badali laheyd saldhigiisa milatari ee ku yaala wadanka Turkiga. Wuxuuna ku dhawaaqay in hadii ay Turkigu mar kale ku dhaqaadaan talaabadaas oo kale ay saldhigooda u badalan doonaan dalka Urdun ee dariska la ah Siiriya.

Xigasho/kilde: ABC-nyheter

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments