Talyaaniga oo ku hanjabay inuu dekadaha ka xiran doono maraakiibta soo badbaadiya tahriibayaasha

0
110

Dowlada dalka talyaaniga ayaa soo saartay war digniin ah oo ay u jeedineyso maraakiibta reer Yurub ee bada kasoo badbaadiya muhaajiriinta kusoo fool leh wadanka Talynaaniga. Waxeyna ku hanjabtay in maraakiibtaas aysan kusoo xiran doonin dekadaha dalka Italy, kadib markii maalmihii ugu danbeeyaya ay talyaaniga soo gaareen dad ku dhow 10.000 oo tahriibayaal ah.

Safiirka EU-da ee dalka Talyaaniga ayaa maanta kulan deg-deg la qaatay madax ka socotay wadamada EU-da katirsan ee laga leeyahay maraakiibta badbaadisa Tahriibayaasha. Wuxuuna kala hadlay walaaca dowlada Talyaaniga, isaga oo u gudbiyay fariinta dowlada dalkiisa.

Talyaaniga ayaa sheegay ineysan awood u heynin inay qaabilaan Tahriibayaal cusub, iyaga oo meel ay geeyeen garan la´, kuwii hore oo ay qaabileen. Sanadkan oo kali ah, waxaa xeebaha Italy soo gaaray dad kor u dhaafayo 100.000, iyada oo la filayo in tiradu ay intaas wax badan kasii badato.

Xigasho/kilde: NRK

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments