Sharci been ah: Arintan ha ogaadaan waalidka soomaaliyeed ee caruurtooda la safraya

0
212
Ustaad Abdullahi Elmi Ibrahim. (Bergen)
Ustaad Abdullahi Elmi Ibrahim. (Bergen)

Axadii la soodhhafay(11.06.17) ayaa qoys soomaaliyeed oo aan deris nahay u safri rabeen Soomaaliya. Markii ay gegida dayuuradaha (Flesland) tageen, ayaa waxaa lagu wargeliyay inaysan sharci aheyn in carruur kudhalatay Norway ay Soomaaliya ku maqnaadaan wax ka badan hal bil, haddii aysan haysan cadeymo ah inay soo labanayaan oo weliba laga soodiray Soomaaliya.

Qoyskii dhib aad u badan ayay kala kulmeen ku dhegitaankii lagu dhegey oo sababtay in dayuuradii ay ka qaadan lahayeen København ay ka tagtay, inkasta oo markii danbe laxaliyay dood iyo dagaal kadib.Arintaan waxay welwel iyo walaac ku abuurtay dad badan oo Soomaaliyeed.

Sheekadu marka ay halkaas mareyso, ayaan xariir la sameeyay hawlwadeenada gegida dayuuradaha, waxna ka weydiiyay sharciydaan aan horay loo maqal ee dadka lagu dhibayo. Waxay ii shegeen inaysan arintaas waxba ka ogeyn, tahayna hawl u taala shirkada dayuuradaha ee SAS.Haddana SAS ayaan xariir la sameeyay, waxayna ii shegeen inaysan garaneynin sharci dhigaya sidaas.

Isku soo wada duuboo waxaa cadaadaty in arinta ay ka danbeeyeen shaqaalihii markaas SASA u fadhiyay gegida dayuuradaha. Marka qofkii arimaahas oo kale lagu qabsado ha ogaado waa wax aan sal iyo raad toona leheyn.


W.Q: Abdullahi Elmi Ibrahim

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments