Qof Muslim: Weerar argagaxiso, Qof cadaan ah: Xanuun maskaxeed, waana lasoo baarayaa

0
156

Habeen hore waxaa magaalada London ka dhacay weerar baabuur loo adeegsaday, kaas oo lagu qaaday dad muslimiin ah xili ay kasoo baxeen salaada taraawiixda. Waxaana weerarkaas ku dhintay hal qof, halka ay ku dhaawacmeen 10 qof oo labo kamid ah xaaladooda aad u halis tahay.

Weerarkan wuxuu kamid ahaa silsilad weeraro ah oo dhawaantan ka dhacayay magaalada London iyo guud ahaan UK ama dalalka Yurub. Weeraradaas waxaa inta badan lala beegsadaa dad aan waxbo galabsan oo shacab ah, waxaana badanaa fuliyo dad fikiro xagjir ah aaminsan labada dhinacba.

Inkasta oo weerarkii habeen hore ka dhacay London uu ahaa mid si walba ula mid ah weeraradii argagaxiso ee horey uga dhici jiray magaaladaas, hadana warbaahinta U.K iyo dhamaan warbaahinta dalalka kale reer galbeedka, waxey ku dhici waayeen in weerarkaas ay ugu yeeraan weerar argagaxiso ama ay qofkii ka danbeeyay ugu yeeraan argagaxiye.

[adsenseyu2]

Si ka duwan sidii caadada aheyd, ma jirin barnaamijyo live ah oo laga soo daayay goobta uu falkaas, si dadka loo tusiyo murugada dadka ay arintaas saameysay. Ilaa hadana lama hayo madaxda reer Yurub oo tacsi tiiraanyo leh arintaas ka dira, sidii caadada iyo dhaqanka ahaan jirtay.  Sidoo kale waqti dheer ayay qaadatay in madaxda dalka Ingiriiska ay weerarkaas ugu yeeraan mid argagaxiso.

Baraha bulshada waxaa maanta aad looga hadalhayay arintan ku saabsan in qaabab kala duwan ay warbaahintu ula dhaqanto marka uu weerar geysto qof muslim ah iyo marka uu weerar geysto qof Yurubiyaan cadaan ah.

Dad badan ayaa aaminsan in hadii uu qof muslim ah weerar geysto, ay markiiba warbaahintu bilaabeyso inay ugu yeerto weerar argagaxiso, kuna xiriiriso diinta islaamka iyo asalkeeda. Dhanka kalena, waxaa bulshooyinka muslimiinta laga codsadaa inay banaanka usoo baxaan, si ay u muujiyaan inay arintaas kasoo horjeedaan.

Hadii uu weerar geysto qof cadaan ah, waxaa markiiba lala xiriiriyaa inuu ahaa qof kaligiis noolaa oo maskax ahaan u xanuunsan, bulshadana ka takoornaa, isla markaana kaligiis guri cidlo ah go´doon ku ahaa. Markiiba laguma deg-dego in loogu yeero weerar argagaxiso, waxaana marka hore la isku dayaa in loo raadiyo qiil iyo jid kale oo loo sameyn karo falkaas. Boolisku uguma yeeraan fal argagaxiso, waxeyna sheegaan inay soo baari doonaan, kahor inta aysan falkaas magac u yeelin.

Arintan ayaa abuuri karta kala fogaansho bulshooyinka muslimiinta ah iyo dadka ay la noolyihiin. Waana mid khatardeeda leh, maadaama uu qofka muslimka ah dareemi karo in noloshiisu aysan wax qiimo ah u laheyn warbaahinta, madaxda iyo bulshada uu la noolyahay.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments