Waxaa maanta magaalada Kristiansand ka bilaabatay maxkamadeynta 16-jirkii norwiijiga ahaa ee ka danbeeyay dilkii A.H.N Yacquub Abdullahi Hassan iyo Tone ilebekk, dhamaadkii sanadkii hore ee 2016.
16-jirkan norwiijiga ah ayaa maanta maxkamada kahor qirtay inuu ka danbeeyay dilkaas, wuxuuna sheegay inuu ka qoomameynayo. Isaga oo dhanka kale sheegay in Yacquub uu ku lahaa lacag dhan 800 oo Kr, taas oo sabab u aheyd muranka labadooda ee ugu danbeyn sababay falka dilka ah. Dhanka kale wuxuu raaciyay inuu dilka Yacquub mudo qorsheynayay, isla markaana ay ujeedadu aheyd inuu dilo.
16-jirkan ayaa maxkamada maanta si faah-faahsan uga sharaxay qaabka uu u geystay dilka iyo qaabkii uu isugu dayay inuu u qariyo danbiga maalintii ka danbeysay.
Maxkamadeynta 16-jirkan ayaa socon doonto afar maalmood, waana mid xiran oo saxaafada iyo dad kooban loo ogolyahay inay kasoo qeybgalaan dhageysigeeda.
Xigasho/kilde: VG, Dagbladet.
[adsenseyu2]