Maxkamadeynta 16-jirkii ka danbeeyay dilka Yacquub iyo Tone oo maanta ka bilaabatay Kristiansand

0
114

Waxaa maanta magaalada Kristiansand ka bilaabatay maxkamadeynta 16-jirkii norwiijiga ahaa ee ka danbeeyay dilkii A.H.N Yacquub Abdullahi Hassan iyo Tone ilebekk, dhamaadkii sanadkii hore ee 2016.

16-jirkan norwiijiga ah ayaa maanta maxkamada kahor qirtay inuu ka danbeeyay dilkaas, wuxuuna sheegay inuu ka qoomameynayo. Isaga oo dhanka kale sheegay in Yacquub uu ku lahaa lacag dhan 800 oo Kr, taas oo sabab u aheyd muranka labadooda ee ugu danbeyn sababay falka dilka ah.  Dhanka kale wuxuu raaciyay inuu dilka Yacquub mudo qorsheynayay, isla markaana ay ujeedadu aheyd inuu dilo.

16-jirkan ayaa maxkamada maanta si faah-faahsan uga sharaxay qaabka uu u geystay dilka iyo qaabkii uu isugu dayay inuu u qariyo danbiga maalintii ka danbeysay.

Maxkamadeynta 16-jirkan ayaa socon doonto afar maalmood, waana mid xiran oo saxaafada iyo dad kooban loo ogolyahay inay kasoo qeybgalaan dhageysigeeda.

Xigasho/kilde: VG, Dagbladet. 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments