Dowlada: Turjubaanada ka turjuma kiisaska soo galootiga, waa inay cadeyn ka keensadaan booliska

0
221

Dowlada Norway ayaa soo jeedisay in turjubaanada ka turjuma kiisaska la xiriira arimaha soo galootiga, lagu xiro shuruud ah inay booliska ka keensadaan cadeyn ah inaysan wax danbi ah galin(politiatest). 

Si loo helo ka shaqeyn fiican oo ku saabsan kiisaska soo galootiga, waa muhiim in turjubaanada la adeegsanayo ay yihiin kuwo aqoon ahaan kvalifiser ah(u qalmo shaqada), isla markaana ay heystaan cadeyn boolis oo lagu kalsoonaan karo. Waa muhiim sidoo kale in dadka loo turjumayo iyo dowladuba ay kalsooni ku qabaan aqoonta turjumaanka, ayuu sheegay wasiirka arimaha soo galootiga dalkan Norway, Per Sandberg.

Hadii uu qofka turjubaanka ah horey usoo galay wax danbi, waxaa qiimeyn sameyn doonto UDI-da ama UNE-da markaas qofkaas adeegsaneyso. 

Xigasho/kilde: Avisenagder/NTB

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

0 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments