Dowlada Soomaaliya heshiis dib u celin ah mala gashay Norway

0
105

Wasiirka arrimaha dibadda Dowlada federalka ah ee Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar oo maalmihii ugu danbeeyay booqasho rasmi ah ku joogay dalkan Norway, ayaa kulan kala warqaadasho ah la qaadan doono jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.

Sida ay NorSom u xaqiijiyeen qaban-qaabiyayaasha kulanka, wuxuu wasiirka arimaha dibadda dowlada Soomaaliya kulankaas uga hadli doonaa qodobadan:
-Xariirka Dowladda Norway iyo Soomaaliya.
-Soomaalida lagala noqday Sharciyada magangalyada dalkan Norway.
-Maxaa kajira in Soomaaliya iyo Norway ay wada galeen hishiis dib loogu celinaayo dadka qaxootiga ah.
-Sababta Dowladda Norway aysan u aqoonsaneyn dokumentiyada ka yimaada Soomaaliya oo uu passpor-ku ugu horeeyo.
-Dowladda Soomaaliya maxay ka qaban kartaa Caruurta Soomaliyeed ee Norway lagu qaatey.

Sidoo kale waxaa kulanka waqti fiican la siin doonaa dadka soomaaliyeed ee raba inay su´aalo toos ah weydiiyaan wasiirka arimaha dibada Soomaaliya.

Kulankan ayaa dhici doonto maalinta khamiista ah ee 15-ka bisha Juni, wuxuuna ka dhici doonaa hoolka shirarka ee Høyskolen i Oslo og Akershus(Adresse:Pilestredet 35, 0166 Oslo). Saacada 17:00 galabnimo ayuuna bilaaban doonaa.

Hadaba, waxaa muhiim ah in kulankaas ay jaaliyada soomaaliyeed si fiican ay uso camiraan, ayna muujiyaan dareenkooda ku aadan xaaladaha jaaliyada soomaaliyeed ee Norway. Anaga oo og inay jiraan waxyaabo badan oo laga tabanayo dowlada federalka ah ee Soomaaliya, wuxuu kulankaas noo yahay fursad muhiim ah oo aan ku ogaano jawaabaha waxyaabo badan oo maskaxda umada ka guuxayo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments