Dowlada Norway oo soo saartay sharci adkeynaya qoysaska isku dacwoonaya.

0
158
Foto: Youtube

Wasaarada arimaha soo galootiga dowlada Norway ayaa maanta soo bandhigtay sharci cusub oo adkeynaya isku imaanshaha qoysaska isku dacwoonaya, kaas oo dhaqan gali doono kowda bisha soo socoto ee Luulyo.

Sharcigan ayaa ku saabsan in hadii uu jiro wadan sadexaad(oo aan aheyn Norway iyo wadanka uu qofka wax u dacwoonaya kasoo jeedo), isla markaana ay ku midoobi karaan qoyska isku dacwoonaya, ay diidmo ka heli karaan codsigooda ku aadan inay Norway ku midoobaan.

Sharcigan ayaa qaban doono oo kali ah dadka heysto sharciyada magangalyada kumeel gaarka ah, mana qaban doono dadka heysto sharciyada magangalyada rasmiga ah(permanent oppholdtillatelse), sida ku xusan qoraalka ay arintan kasoo saartay dowlada Norway.

Sii hayaha xilka wasiirka arimaha soo galootiga ayaa sharcigan cusub ku tilmaamay inuu yahay mid la jaanqaadi karo siyaasada cusub ee soo galootiga.

Xigasho/kilde: Regjeringen.no, Nettavisen.no

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments