Dhamaan xisbiyada siyaasada Norway oo kasoo horjeestay qorshaha xisbiga FRP ee joojinta qoxootiga

0
120

Xisbiga FRP oo kamid ah xisbiyada ku bohoobay xukuumada wadaagta ah ee Erna Solberg, ayaa shaley soo saaray war ay ku sheegayaan in xisbigooda uu rabo in dowlada Norway ay gabi ahaanba joojiso qaabilaada dadka soo galootiga magangalyo doon ah . Iyaga oo sheegay in taas badalkeeda ay rabaan in xeryo qoxooti laga furo wadamo dibada ah, isla markaana qofkii magangalyo Norway ka rabo uu xeryahaas tagi karo.

Dhamaan Xisbiyada siyaasada dalkan Norway ayaa kasoo horjeestay qorshaha xisbiga FRP, iyaga oo ku tilmaamay inuu yahay mid aan waaqici aheyn. Xisbiga Høyre oo kamid ah xisbiyada ay dowlada iskula jiraan FRP, ayaa kasoo horjeestay qorshahaas, waxeyna sheegeen inuu yahay mid kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah ee qoxootiga, oo Norway ay wax ka saxiixday.

Xisbiga shaqaalaha ee Ap ayaa dhankiisa qorshahaas ku tilmaamay mid ciyaar ciyaar ah, halka Sp ay sheegeen inuu yahay mid khiyaali ah. SV ayaa ayagana dhankooda sheegay in arintan ay FRP ay arintan uga danleeyihiin inay codad uga helaand dadka xiliga doorashada, balse ay iyaguba ogyihiin inay suurtogal noqon karin.

Xigasho/kilde: Nettavisen.

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments