Dadkii ugu yaraa mudo 20 sano ah, ayaa Norway magangalyo soo weydiistay sanadkan

0
160

Shantii bilood ee ugu horeeyay sanadkan 2017, waxaa Norway magangalyo soo weydiistay(iska soo dhiibay) 926 qof, tiradaas oo ah mid 35% ka yar tirada dadkii Norway magangalyada soo weydiistay sanadkii hore. Tirada dadka sanadkan Norway magangalyada soo weydiistay ayaa ah tii ugu yareyd mudo 20 sano(1997). 

Isku dar waxaa sanadkan Norway yimid 2011 qof oo magangalyo doon ah, balse 1085 qof oo dadkaas kamid ah, waa qoxooti ay dowlada Norway kasoo qaadatay xeryo qoxooti uu kuyaalo Giriiga iyo Italy. Dadkaas ayaa ah saamiga ay Norway ku balan qaaday heshiiskii saami qeybsiga dowladaha Yurub. 

Ereteriya iyo Siiriya ayay kasoo jeedaan dadka ugu badan ee sanadkan Norway magangalyada soo weydiistay. 

Xigasho/kilde: TV2.NO

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments