Dadka u dhashey Qatar oo laga horjoogsadey gudashada waajibaadka Xajka iyo gelida Makka

0
104

Dadka u dhashay dalka Qatar ayaa laga horistaagay in ay u cibaado tagaan Masjidka Barakaysan ee Xaramka ee magaalada Makka, sida uu qorey wargeyska al-Sharq. Boqortooyada Sucuudi Caraabiya ayaa ku saleeyey arrintan cuno qabateynta lagu soo rogey dalka Qatar, sida uu soo xigtey Wargeyskaas al-Shaqr.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Qatar (NHRC) ayaa heshey cabashooyin ka yimid dadka Qatariyiinta, kuwaas oo sheegay in sanadkan laga horjeeegsadey Cimreysiga iyo acmaasha Xajka iyo weliba inayba tegi karin Masjidka Xaramka.

[adsenseyu2]

Cali bin Smaikh al-Marri oo ah madaxa Komishanka xuquuqda aadanaha ee Qatar ayaa sheegay inay tani tahay markii u horeysey ee dadka galaya Xaramka lagu kala saaro dhalashadooda, waana mid ka hor imaaneysa xuquuqda dadku u leeyihiin in ay gutaan waajibaadka diintooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa sheegay sababta ka danbeysa dagaalka intaas le’eg in lagu qaado dal walaal ah, ay tahay guusha iyo horumarka ay gaareen iyo u madaxbanaanidooda arrimaha dibadda oo walaalahood carbeed ay ka xumaadeen.

Iran iyo Qatar: 

Dowlada Sucuudiga ayaa Qatar ku eedeysay inay xiriir dhow la leedahay dalka Iiraan oo ah dal ay Sucuudigu kula tartamayaan awooda gobolka. Sucuudiga ayaa Iiraan xiriirka u jaray sanad kahor, balse muwaadiniinta u dhashay dalkaas ayaan laga hor istaagin inay soo galaan Sucuudiga, gaar ahaan gudashada xajka. Sidoo kale diyaarada Iiran Air ayaan laga horistaagin inay marto hawada Sucuudiga iyo dalalka Khaliijka.

 

Xigasho/kilde: Alsharq.com

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments