Cilmibaaris lagu sameeyay jaamacada Georgia University ee dalka Mareykanka, ayaa lagu ogaaday in hadii qof muslim ah uu weerar geysto, ay warbaahintu ka hadasho afar jibaar(x*4) wax ka badan, hadii uu weerarkaas geysan lahaa qof aan muslim aheyn.
Hadii si kale loo dhigo, waa in qofka aan muslimka aheyn uu weerarkaas ku dilo ugu yaraan tiro todobo jeer ka badan, tirada uu dilay qofka muslimka ah, si ay warbaahintu si lamid ah sida qofka muslimka ah uga hadasho weerarkiisa.
Madaxweynaha Mareykanka oo sida caadiga ah lagu yaqaano inuu mar walba canbaareeyo weerarada kooxaha argagaxisada ah, ayaan haba yaraatee wax hadal ah kasoo saarin, weerarkii ugu danbeeyay ee London lagu qaaday dadka muslimiinta ah ee masaajidka kasoo baxay. Taas oo calaamad su´aal saareyso micnaha dhabta ah ee ereyga argagiso iyo dadka loo adeegsan karo.
Xanuunada maskaxda:
Isla cilmibaaristan ayaa lagu ogaaday in warbaahintu aysan xooga saarin xanuunada shaqsiyeed ee qofka muslimka ah ee weerarka geysto, iyaga oo mar walba xooga saaro, iskuna daya inay weerarkaas meel uun kasoo galiyaan diinta islaamka.
[adsenseyu2]
Tusaale ahaan: Hadii uu weerar geysto qof muslim ah, waxaa markiiba loogu yeeraa weerar argagaxiso, iyada oo aan si dhab ah loo baarin ujeedka qofkaas ee weerarka iyo caafimaad qabkiisa maskaxeed. Laakiin hadii taas badalkeeda uu weerarkaas geysan lahaa qof aan muslim aheyn, waxey isku dayi lahaayeen inay marka hore muujiyaan xanuunka iyo dhibaatada shaqsiyeed ee qofka weerarka geystay, kahor inta aysan weerar argagxiso ugu yeerin, waaba hadii ay ugu yeeraane.
Cilmibaaristan ayaa cadeyn dhab ah u noqon karto dareenka dad badan oo muslimiin ah oo qurbaha ku dhaqan, kuwaas oo dareensanaa in warbaahintu ay siyaabo kala duwan uga hadasho weerara argagaxiso ee ka dhaca dhulalka galbeedka.
Xigasho/kilde: Dagsavisen.no
[adsenseyu2]