torsdag, mars 28, 2024

Soomaalida Denmark oo mudaaharaad ka dhigeyso magaalada København

Sida ay NorSom News u xaqiijiyeen ilo kala duwan oo katirsan jaaliyada soomaaliyeed ee dalka Denmark, waxaa maalinta bari ah ee sabtida lagu wadaa in jaaliyada soomaaliyeed ee dalkaas ay dhigto, dibad-bax balaaran, kaas la sheegay in looga soo horjeedo dib u qiimeynta sharciga magangalyada qoxootiga soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan.

Dibad-baxan ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco bartamaha magaalada caasimada ah ee København, waxaana shaley oo jimce aheyd ogeysiiska mudaaharaadkaas si weyn looga gudbinayay maqaaxiyaha, masaajidada, baraha bulshada iyo goobaha kale oo ay dadku ku kulmaan.

[adsenseyu2]

Dowlada Denmark ayaa bartamihii sanadkii hore soo saartay go´aan ay ku sheegayso inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada 800 qof oo soomaali ah, kuwaas oo dalkaas magangalyo ka helay. Waxaana dadkaas kamid ah hooyooyin iyo caruur dalkaas Denmark ku dhashay.

Isbuuc kahor ayey sidoo kale soo baxday in dowlada Denmark ay heshiis afka ah la gashay wafdi ka socdo dowlada Soomaaliya, kuwaas oo dalkaas socdaal ku yimid bishii May ee sanadkii hore. Halkan ka akhriso warkaas. 

Wixii kusoo kordha dibad-baxaas iyo natiijadiisa, gadaal ayaan kasoo galin doonaa.

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x