Politiken.dk: Denmark waxey Soomaaliya kula heshiisay inay sanadkii celiso 12 qof

0
221

Sida uu maanta bogiisa koowaad kusoo daabacay wargeyska Politiken ee dalka Denmark, dowlada Denmark ayaa bishii May ee sanadkii hore(2016) heshiis afka ah oo qarsoodi ah la gashay wafdi ka socdo dowlada Soomaaliya, kuwaas oo xiligaas socdaal ku joogay dalka Denmark. Heshiiskaas ayaa ku saabsanaa dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed ee Denmark ku dhaqan, isla markaana aan helin sharciga magangalyada. 

Wargeyska Politiken ayaa sheegay in macluumaad uu helay ay ku ogaadeen, in heshiiskaas la isku af-gartay in ugu badnaan  sanadkii ay Denmark  Soomaaliya dib ugu celin karto 12 qof oo kaliya. Denmark ayaa bilo kadib soo saartay go´aan ay ku sheegeyso inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada 800 oo soomaali ah, kuwaas oo dalkaas ka heystay magangalyo kumeel gaar ah.

Sida ay NorSom News u xaqiijiyeen dad kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee Denmark, waxaa bishii may ee sanadkii 2016, socdaal ku yimid dalka Denmark wafdi ka socdo dowlada Soomaaliya. Waxaana wafdigaas hogaaminayay reysulwasaare ku xigeenkii hore ee xukuumadii Cumar CabdirashiidMaxamed Cumar Carte Qaalib, Wasiirkii hore ee amniga qaranka Cabdirisaaq Cumar iyo waliba madaxii laanta socdaalka ee xiligaas, General Cabdulaahi Gaafow. Sadexdan masúul ayaan hada wax xil ah ka heynin dowlada Soomaaliya.

[adsenseyu2]

Politiken ayaa sidoo kale qoray in heshiiskan afka ah ay Denmark la gashay xukuumadii hore ee Soomaaliya, iyada oo Soomaaliya ay hada ka taliso dowlad cusub oo siyaasad ahaan ka aragti gadisan tii Soomaaliya kajirtay xiligaas( waa sida ay Politiken qoreyaan´e).

Xukuumada talada heyso ee Denmark, ayaa heshiiskaas qarsoodiga ah ka qarisay saxaafada dalkaas iyo waliba golaha shacabka(baarlamaanka). Waxaana sidoo kale soo baxday in Denmark ay si qarsoodi ah dad ugu celineysay Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay.

Peter Albrecht oo ah cilmibaare katirsan machadka daraasaadka caalamiga ah ee Denmark, ayaa shaki ka muujiyay suurtogalnimada dhaqangalka heshiiskaas, maadaama uu yahay mid afka oo aan qoraal iyo saxiix laheyn. Sidoo kale wuxuu sheegay in Soomaaliya ay kamid tahay dib kamid ah dowladaha ugu musuq-maasuqa badan caalamka, isla markaana uu heshiiskaas afka ah keeni karo mugdi iyo mad-madow badan.

Baarlamaanka Denmark ayaa dhowr bilood kahor u yeeray wasiiro katirsan xukuumada dalkaas, si ay wax uga weydiiyaan dadka ay Soomaaliya dib ugu celinayaan. Wasiiradaas ayaa isku difaacay inay Soomaaliya ka heystaan ogolaansho ah inay dad ku celin karaan. Halkan ka akhri warkaas oo faah-faahsan. 

Arinta aadka looga hadalhayo warbaahinta Denmark ayaa saaka aheyd, qorshaha xukuumada Denmark ee ku aadan dadka 800-da boqol gaaraya oo ay sheegeen inay dib u qiimeyn ku sameyn doonaan magangalyadooda. Waxaana la isweydiinayaa su´aal ah,  meesha dadkaas lagu celin doono, hadiiba Soomaaliya sanadkii 12 qof oo kaliya lagu celin karo.

Ilaa hada 57 qof ayaa lagu wargaliyay in sharciga magangalyadooda lagala noqday, halka tiro 90 kor u dhaafeyso loo cusbooneysiiyay magangalyadooda.

Arinta ku saabsan qoxootigan soomaaliyeed ayaa qalalaaso ka dhex abuuri karta xisbiyada siyaasada, iyada oo xukuumada dalkaas hada ka taliso ay maalinba lasoo baxeyso waji cusub oo ku saabsan arinta dib u qiimeynta.

Xigasho/kilde: Politiken.dk , Ektrabladet.dk

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments