torsdag, mars 28, 2024

Soomaalida Denmark oo mudaaharaad balaaran shaley ka dhigay magaalada Copenhagen

Warbaahinta kala duwan ee soomaalida iyo baraha bulshada, ayaa waxaa ilaa shaley aad looga hadalhayay mudaaharaad balaaran, kaas oo ay sameeyeen jaaliyada soomaaliyeed ee dalka Denmark. Mudaaharaadkaas oo looga soo horjeeday dib u qiimeynta sharciyada magangalyada iyo waliba dadka soomaalida ah ee sida qasabka dib loogu celinayo Soomaaliya.

Sida ay NorSom u xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah, waxaa mudaaharaadka  kasoo qeybgalay hey´adaha u dooda xuquuqda qoxootiga iyo dadka magangalyo-doonayaasha ah. Sidoo kale, waxaa kasoo qeybgalay dad Danish ah, kuwaas oo u badnaa dad waayeel ah oo taageersan qadiyada qoxootiga iyo magangalyo-doonka.

Soomaalidii shaley mudaaharaadka Denmark ka dhigeysay ayaa codsi u dirsaday dowlada cusub ee Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa inaysan sii dhaqan-galin heshiiskii dib u celinta ahaa oo ay galeen wafdigii ka socday dowladii hore, kuwaas oo dalkaas booqashada ku yimid sanadkii 2016. Heshiiskaas ayaa ku saabsanaa in Denmark ay sanadkii celin karo ugu badnaan 12 qof oo soomaali ah. Halkan ka akhri warkaas.

Mudaaharaadkaas ayaa waxaa kasoo qeybgalay dad lagu qiyaasay 400 ilaa 500 qof. Waxeyna socod ku mareen aqalka baarlamaanka iyo goobo muhiim ah oo katirsan caasimada dalka Denmark ee København.

Waxaan saaka baaritan ku sameynay in warbaahinta Denmark ay wax ka qortay mudaaharaadkaas, laakiin ilaa hada ma aanan soo helin hal wargeys ama TV oo arintaas wax ka qoray.

[adsenseyu2]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x