torsdag, april 25, 2024

Norway oo wafdi u direyso shirka London ee looga arinsanayo Soomaaliya

Sida ku xusan war qoraal ah oo maanta kasoo baxay webka rasmiga ah ee dowlada Norway, wafdi ka socdo wasaarada arimaha dibada Norway ayaa u safri doono magaalada London, si ay uga qeybqaataan shirka London Somalia Conference ee furmi doono bartamaha isbuuca inagu soo aadan.

Tone Skogen oo ah xoghayaha wasaarada arimaha dibada ee arimaha horumarinta iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa Norway shirkaas uga qeybgali doono.

Sidoo kale Tone Skogen ayaa labo isbuuc kahor la kulantay wafdi ka socdo dowlada Soomaaliya, kaas oo uu hogaaminayay wasiirka dhaqaalaha/maaliyada soomaaliya, Dr. Cabdiramna Beyle Ducaale. Kulankaas oo ka dhacay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Xigasho/kilde: Regjeringen.no 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x